Dabley muwaadin British ah ku dishay Nigeria, dad kalena qafaashay

Image

ABUJA, Naigeria – Dabley hubeysan ayaa muwaadin u dhashay Ingiriiska ku dishay magaalada Kaduna ee waqoyga Nigeria, Jimcadii.

Ragga oo ku hubeysnaa hub culus ayaa sidoo kale afduubtay saddex kale xili ay dileen ruux kale oo u dhashay wadanka Nigeria.

Tani ayaa ka dambeysay markii dableyda oo xoog ku galeen goob ay ka xarun loo damashlo tago ay rasaas ugu fureen si aan kala sooc-lahayn.

Safaarada UK oo xaqiijisay geerida Faye Mooney ayaa shaacisay in ay ahayd shaqaale gargaar oo ka tirsaneed Mercy Corps.

Mercy Corps, hay’add aan dowli ahayn, oo tilmaamtay in ay aad uga naxday falkaan ayaa tacsi u dirtay ehelka marxuumadda.

Booliska oo qirtay in ay ku guuldareysteen in durba ka fal-celiyeen arrinkaan ayaa rajo ka muujiyay in ay soo furtaan la-haystayaasha.

Afduubka madax-furashada lagu baadigoobayo ee lagu beegsado shisheeyaha iyo Nayjeeriyaanka hodanka ah ayaa caadi ah dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM