Dad badan oo ku nafwaayey qarax ka dhacay dalka Ghana

Image
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in 500 oo dhismo ay ku burbureen qaraxan aadka u waynaa.

ACCRA, Ghana - Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen galbeedka Ghana kadib markii gaari laga soo buuxiyay walxo macdan ah, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Saraakiisha Ghana ayaa sheegay in boqolaal guri ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa. Booliska ayaa sheegay in baaritaan horudhac ah oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in gaari laga soo buuxiyay macdan uu ku dhacay mooto.

Tani waxay keentay in qarax uu ka dhacay Bogoso-Appiatse, oo ah tuulo 300 oo KM dhanka galbeed kaga beegan Accra. Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in 500 oo dhismo ay ku burbureen qaraxa, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan 500 oo qof.

Booliisku waxay sheegeen in 13-ka qof ee dhintay, ay qaraxa ku dhaawacmeen 179 qof, iyadoo ugu yaraan 45 ay xaaladoodu liidato. Warbixintii ugu horeysay ee bilayska ayaa lagu sheegay in dhimashadu ay marayso 17 qof.

Madaxa golaha deegaanka ee dawlada hoose Isaac Dasmani, ayaa u sheegay warfidiyeenka in Appiatse ay hadda ku dhowdahay magaalo meydad ah iyada oo ay socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka.

Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, iyo hoggaamiyaha mucaaradka John Mahama ayaa hadallo kala duwan oo ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegay inay tacsi u dirayaan, iyagoo ku sifeeyay dhacdadan inay tahay maalin murugo leh oo ka dhacday Ghana.

Mas'uuliyiinta ayaa la filayaa in ay bilaabaan baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay qaraxa, waxaana ay ku talinayaan in la qaado tallaabooyin looga hortagayo in mar kale soo laabato mustaqbalka dhacdo noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM