Dad ku dhintey qarax ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay falkan.

NAIROBI, Kenya - Booliska waddanka Kenya ayaa sheegay in la qabtay hal qof markii qarax ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof oo rakaab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen uu haleelay bas ay la socdeen oo marayey waqooyi bari Kenya oo u dhow xadka Soomaaliya.

Bileyska Waqooyi Bari ee ismaamulka Mandera ayaa xusay in baska oo ka kooban 14-kursi uu ku wajahnaa magaalada Mandera aroornimadii Isniinta markaasoo uu jiiray qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay.

Warbaahinta Kenya oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah ayaa tibaaxay in ay maqleen jugta qaraxa khasaaraha badan dhaliyay kadib. Wargeyska Nation ayaa ka soo xigatay taliyaha booliiska gobolkaasi Bunei Rono in hal qof oo looga shakisan yahay loo xiray qaraxa su’aalo la weydiinayo.

Inkastoo aysan jirin koox si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, haddana waxaa la filayaa in tuhunka laga qabo in ay ka dambeysay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Kooxda argagixsada Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore weerarro kala duwan ku qaaday ciidamada ammaanka iyo gaadiidka dadweynaha gudaha waddanka Kenya.

Kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ayaa lagu eedeeyaa inta badan weerarrada waqooyi bari iyo gobolka xeebta, inkastoo falanqeeyayaasha ay sheegayaan in qaar ka mid ah rabshadaha ay sabab u tahay khilaafaadka maxalliga ah iyo kuwa siyaasadeed.

Al-Shabaab ayaa sanadkii 2015-kii weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo marayay isla wadada weerarkii Isniintii oo uu la socday gudoomiyaha Mandheera Cali Roba, halkaasi oo ay ku dileen saddex qof oo ay ku jiraan labo askari oo boolis ah.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in dagaalyahanno looga shakisan yahay Al-Shabaab ay Arbacadii shalay rasaas ku fureen gaadiid ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan garsoorka gobolka Lamu oo u dhow degmadaas, halkaasoo ay dhowr qof ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM