Dalal uu tagayo ergayga Mareykanka ee Geeska Afrika oo la shaaciyey

Image
Satterfield, danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Turkiga, ayaa loo magacaabay inuu beddelo Jeffrey Feltman.

WASHINGTON, USA - Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa booqan doona Sacuudiga, Suudaan iyo Itoobiya toddobaadka soo socda iyadoo ay weli socdaan qalalaasaha ka taagan labada dal ee Afrika, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Jimcihii todobaadkii lasoo dhaafay.

David Satterfield iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Molly Phee ayaa u safri doona Riyadh, Khartoum iyo Addis Ababa inta u dhaxaysa Janaayo 17-20.

Magaalada Riyaad, labadan mas'uul ayaa kula kulmi doona saaxiibada Suudaan, oo ah koox ku baaqaysa soo celinta dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee dalkaas ka dib afgambi militari oo dhacay bishii Oktoobar.

Kulanka ayaa ujeedadiisu tahay in "taageerada caalamiga ah" la siiyo howlgalka Qaramada Midoobay si loo "fududeeyo dib-u-beddelka dib-u-guurka ee dimoqraadiyadda ay hogaaminayaan rayidka" ee Suudaan, sida lagu sheegay bayaanka.

Satterfield iyo Phee ayaa markaa u safri doona Khartoum, halkaas oo ay kula kulmi doonaan dadka u ololeeya dimuqraadiyadda, kooxaha haweenka iyo dhallinyarada, ururada rayidka ah iyo dadka siyaasadda iyo milateriga ah.

"Farriintoodu waxay noqon doontaa mid cad: Mareykanka waxaa ka go'an xorriyadda, nabadda, iyo caddaaladda dadka Suudaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Gudaha dalka Itoobiya, labadan mas'uul ayaa si lamid ah waxay kula hadli doona ra'iisul wasaare Abiy Axmed si ay u raadiyaan xal ku saabsan dagaalka sokeeye ee sii xumaanaya.

"Waxay ku dhiirigelin doonaan madaxda dowladda inay gacanta ku dhigaan furitaanka nabadda ee hadda jira si loo joojiyo duqeymaha cirka iyo colaadaha kale," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka, waxay sidoo kale codsan doonaan in la sameeyo xabbad joojin, sii daynta maxaabiista siyaasadeed iyo soo celinta gargaarka bini'aadantinimo.

Satterfield, danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Turkiga, ayaa loo magacaabay inuu beddelo Jeffrey Feltman oo ah ergeyga gaarka ah 6-dii Janaayo. Feltman ayaa xilka ka dagay mar uu booqdey Itoobiya si uu u dhiiri geliyo wadahadalada nabada si loo soo afjaro dagaal socday in ka badan sanad ka dib markii ay isaga baxeen fallaagada Tigrayga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM