Dhamaan xuduudaha dhulka ee Nigeria oo albaabada loo laabay

Image
Talaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli dalkan uu Sabtida maanta ah u dareerayo doorasho guud.

ABUJA, Nigeria - Mas'uuliyiinta maxaliga ah ee Nigeria ayaa Jimcihii amar ku bixiyay in la xiro xuduudaha dhulka ee dalkaas, maalin ka hor doorashada madaxtinimo iyo tan guud.

Taliyaha Guud ee Adeegga Socdaalka Nigeria, Isah Jere, ayaa soo saaray awaamiirta lagu joojinayo isku socodka wadamada dariska la ah dalka dhacan Galbeedka Afrika ee Niger, Chad, Cameroon, iyo Benin, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

Isaga oo ujeedadiisu tahay in la hubiyo in doorashadu u dhacdo "si xor iyo xalaal ah oo aanay ka jirin caadooyin," xidhitaannada 24-ka saac ah waxay billaaban doontaa saqda dhexe ee Sabtida waxayna socon doontaa ilaa Axadda, ayuu yiri Jere, isaga oo intaas ku daray in militariga la geyn doono meelaha laga gudbo si ay dalka u difaacaan khataraha xiliga doorashada.

Taliyaha ciidamada difaaca General Lucky Irabor ayaa xaqiijiyay in militariga ay si go'aan ah ula tacaali doonaan ciidamada doonaya inay farageliyaan doorashada.

Ciidanka dalka ayaa sidoo kale ku booriyay dadka inay soo sheegaan dabeecadaha laga shakiyo ama falalka rabshada ah ee ay geystaan ​​"damiir laawayaasha ama koox dad ah oo awood u leh inay carqaladeeyaan habsami u socodka nabadda ee doorashada guud ee 2023".

Musharaxiinta u tartameysa kuraasta madaxweynaha iyo baarlamaanka qaranka Nigeria ayaa Talaadadii soo gabagabeeyay isu soo baxyadooda ololaha.

Ku dhawaad ​​94 milyan oo codbixiyeyaal ah ayaa la filayaa in ay doortaan 18-ka musharax ee u taagan xilka madaxtinimo ee dalka, sida uu sheegay guddiga doorashada Nigeria, ee madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka (INEC).

910,973 boolis ah ayaa la geeyey guud ahaan dalka, waa sidda mas’uuliyiintu sheegeen, iyadoo saraakiisha sharciga ah ay galbinayaan agabka doorashada iyo ilaalinta amniga goobaha codbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM