Dhismaha Baarlamaanka South Africa oo gubtay

Image

Dab ayaa ka kacay dhismaha Baarlamaanka South Africa subaxnimadii hore ee Axaddii, iyadoo holaca iyo qiiqa ka baxaya laga arkayay meelo badan oo ka mid ah magaalda Cape Town, waxaana, saacado ka dib ciidamada dab-damiska ayaa qayb ka mid ah damiyeen dabkaas.

Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in dabku uu saameeyay qeybo badan oo ka tirsan dhismaha sharci-dejinta South Africa.

Wasiirka howlaha guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha Patricia De Lille ayaa saxaafada u sheegtay in aysan jirin cid waxyeello ka soo gaartay dabkan. Ilaa hadda lama oga sababta dhalisay dabkan.

"Tani waa maalin aad u murugo badan ugu leh dimoqraadiyadda. Baarlamaanku waa hoyga dimuqraadiyaddayada." ayay tiri De Lille.

Afhayeenka baarlamaanka Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa ka digtay warar sheegayay in dabkani ahaa weerar ula kac ah.

Madaxweynaha South Africa Ramaphosa iyo qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta sarsare ee dalkaas ayaa ku sugnaa Cape Town, kuwaas oo ka qeyb galay aaska Archbishop Desmond Tutu, oo Sabtidii ka dhacday magaalada Cape Town.

Reuter, AP.

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM