Dib-udhac ku yimid in Eritrea kusoo laabato IGAD [Akhri Sababta]

Image

ADDIS ABABA - Waxaa dib u dhac uu ku yimid isku day la doonayay in Eritrea dib ugu soo laabato xubinimada Urur goboleedka IGAD, kaasoo shalay shirkiisa 33aad ku yeeshay magaalada Addis Ababa, ee caasimadda Eithiopia. 

Kulankii shalay ay yeesheen hogaamiyaasha dalalka IGAD ku midoobay ayaa Ajandaha ugu wayn wuxuu ahaa soo afjaridda colaadda South Sudan, kaasoo ugu dambeyn qalinka ay ku jeedideen dhinacyadda isku haya heshiis nabadeed oo dhameystiran.

Kulan madaxda kahor, Wasiiro arrimo dibadeedyadda dalalka xubinta ka ah IGAD ayuu shir gudoonka ka sheegay in Eritrea aysan dib ugu soo laaban karin, ayna arrintaasi ku timid dib u dhac, inkastoo aaanan la shaacin sababta dhalisay.

Balse, Tibor Nagy, oo ah kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in Eritrea ay wali ka jiraan caburin iyo ku xad-gudub dhanka xuquuqda aadanaha, iyadoo dalkaasina illaa hadda laga qaadin cunaqabateynta la saarey 2009.

Isagoo ka hadlayay Koongareeska dalkiisa, Tibor Nagy, ayaa xusay in Eritrea lagu xiray diblomaasiyiin Mareykan ah, oo safaaraddda Asmara katirsanaa iyo muwaadiniin American ah, oo qaab siyaasadeed loo geliyay xabsi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa u xaqiijiyey VOA-da in Eritrea aysan haatan sababo jira darteeda usoo ceshan karin xubnimadeeda IGAD, inkasta uu rajo fiican ka muujiyey inay dhowaan soo laabato.

Eritrea ayaa lagu eedeeyay inay taageero military u fidisay Maxkamadiihii Islaamiga ee 2007 gacanta ku dhigay Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana laga saarey IGAD, iyadoo dhanka kale beesha caalamka saartay xayiraado.

Lama ogga waqtiga rasmiga ah ee loo qabtay inay dalka Eritrea kusoo cehan doonto xubinimadeeda IGAD, laakiin waxaa la filayaa in fadhiyadda kale ee uu yeelanayo Ururka looga arrinsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM