Diyaaradda Nigeria oo duulimaad toos ah ku tagaysa Israa'iil

Image
Israa’iil iyo Nigeria waxa ay lahaayeen xiriir diblumaasiyadeed tan iyo sanadkii 1960-kii.

ABUJA, Nigeria - Maamulka Israel ayaa ku dhawaaqay Axadii shalay ahayd in duulimaadka tooska ah ee Yahuuda iyo Nigeria uu bilaaban doono 20-ka bisha April ee saandkan aan ku jiro 2023-ka.

"Diyaaradda qaranka Nigeria ee Air Peace waxay diyaar u tahay inay duullimaadyo toos ah ku tagto Israa’iil markii ugu horreysay, laga bilaabo 20-ka Abriil,” ayay wasaaradda gaadiidka Israa’iil ku tiri hadal ay soo saartay.

Israa’iil iyo Nigeria waxa ay lahaayeen xiriir diblumaasiyadeed tan iyo 1960-kii. Si kastaba ha ahaatee, Abuja waxay jartay xiriirkii Tel Aviv ka dib dagaalkii Bariga Dhexe ee 1973.

Labada dal waxay dib u soo celiyeen xiriirkooda 1992-kii. Tan iyo wixii ka dambeeyay markaas, Abuja iyo Tel Aviv waxay is-dhaafsadeen talaabooyin isku-soo-dhaweynaya xiriirkooda.

Horraantii Axadda, wasiirka gaadiidka Israel Miri Regev ayaa ansixiyay heshiis duulista oo ogolaanaya duulimaad toos ah oo u dhexeeya garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv iyo meelo badan oo Nigeria ah, oo ay ku jiraan magaalooyinka Abuja iyo Lagos.

"Nigeria waa mid ka mid ah dalalka ugu horreeya Afrika ee xiriirka dhow la leh Israel dhinacyo kala duwan," ayuu yiri Regev oo difaacaya talaabadda ay qaadey xukuumadiisa.

Regev ayaa ku daray: “Waan soo dhaweynayaa furitaanka khadka cusub, waxaana hubaa inuu ka qeyb qaadan doono xoojinta xiriirka ganacsi iyo mid dhaqan ee labada shacab iyo labada dowladood".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM