Doon ay la socdaan 400 muhaajiriin Afrikaan ah oo halis wajahaysa

Image
Doonidan ayaa ku sabaynaysa badda inta u dhexeysa wadamadda kala ah Giriiga iyo Malta.

ROMA, Talyaaniga - Doon ay saaran yihiin ku dhawaad ​​400 oo qof ayaa waxay ku sabaynaysa badda inta u dhexeysa Giriiga iyo Malta, sidda laga soo xigtey hay'adda maxaliga ah Alarm Phone oo ay soo xigatay Reuters

Dhacdadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa ka dib markii ay korortay doonyaha ay la socdaan muhaajiriinta ee ka soo gudbaya badda Mediterranean-ka kana imaanaya Waqooyiga Afrika.

Alarm Phone ayaa Twitter-ka ku sheegtay in laga soo wacay doonidan oo ka soo duushay magaalada Tobruk ee dalka Liibiya xilli habeen saq dhexe ah lagana codsadey in ay gaarsiiyaan mas'uuliyiinta.

"Laakiin mas'uuliyiintu ma aysan billaabin howlgal samatabbixin ah ilaa waqti xaadirkan," ayay hay'adda Alarm Phone ku qortey ciwaanka ay ku leedahay mareegga Twitter-ka.

Hay'adda NGO-ga ah ee laga leeyahay Jarmalka ee Sea-Watch International ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay doonida balse mas'uuliyiinta matla ay amar ku bixiyeen in aan lasoo badbaadin karin.

Toddobaadkii hore 440 muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay Malta ka dib hawlgal 11 saacadood qaatay oo ay badda ka fuliyeen Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF).

Ugu yaraan 23 Tahriibayaal Afrikaan ah ayaa la la’yahay 4 kalena waa ay dhinteen Sabtidii kadib markii laba doonyood oo ay la socdeen ay ku degtay dalka Tunisia, xilli ay doonayeen in ay gaaraan waddanka Talyaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM