Dowladda Kenya oo UK u gacan galisay labo eedaysane

Image
Labo nin oo kale ayaa horey xukunkooda ugu dhameysanaya UK, kadib markii lagu helay doorkii ay ku lahaayeen dilka.

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa Ingiriiska u gacan galisay labo nin oo aad loo doondoonaayay ka dib markii baxsadeen iyada oo loo haysto arrimo la xiriira dil.

Maxamuud Siyaad Cabdixakiim oo 24 jir ah iyo Monteiro Tariq Kennedy Mangal oo 21 jir ah ayaa todobaadkii hore lagu xiray suuqa weyn ee Kilimani ee magaalada Nairobi, sida ay sheegtay Agaasinka danbi baarista.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in amar caalami ah oo lagu soo xirayo iyaga loo soo saaray 2019-ka oo lagu dilay wiil 16 jir ah oo lagu magacaabi jiray Alex Smith gudaha xaafadda Camden.

Bilayska Magaalada London ayaa aaminsan in mid ka mid ah labada nin ee baxsadka ah ee la qabtay ay fuliyeen weerarka loo adeegsaday Toorayda.

Eedeysanaha kale ayaa lagu eedeeyay inuu saarnaa mid ka mid ah laba baabuur oo la qafaashay oo ku lug lahaa dhacdada.

Dambi baarayaasha ayaa sheegay in Mr Tariq laga helay warqad aqoonsi oo Soomaali ah, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cabdulahi Abshir Maxamed iyo toorey.

Labo nin oo kale ayaa horey xukunkooda ugu dhameysanaya UK, kadib markii lagu helay doorkii ay ku lahaayeen dilka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM