Eedeysane si wayn loo doondoonayay oo la qabtey

Image
Saalim Rashiid Maxamed oo lagu xiray DRC ayaa wajahaya eedeymo argagixiso.

NAIROBI, Kenya – Mid ka mid ah dadka sida aadka ah loo doondoonayay ee looga shakisan yahay argagixisanimada oo madaxiisa la dul dhigay 10 milyan oo shillinka Kenya ayaa la xiray.

Tuhmanaha argagixisanimada waxaa lagu xiray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) Sabtidii, 29 Janaayo, waxaa xiray mas'uuliyiinta maxalliga ah ee DRC.

Eedeysanaha oo ay warbaahinta gudaha magaciisa ku sheegtay Saalim Rashiid Maxamed oo loo yaqaan Chotara ama Turki ayaa la xiray ka dib markii muuqaal laga duubay isagoo ku sugan tuulo ku taal DRC maadaama macluumaadkiisa horay loo baahiyay.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, Eedeysanaha ayaa ku wajahnaa dalka Koonfur Afrika, iyadoo aan la ogeyn ujeedkiisa.

Tuhmanaha ayaa la filayaa in dacwad lagu soo oogo ka hor inta aysan mas’uuliyiinta Kenya cadsan in lagu soo wareejiyo Agaasinka Dembi-baarista (DCI) ay horay u baahisay sheegtayna in aad loo doon doonayo ninkaan oo lala xiriiriyay falal argagixiso.

Bishii Noofambar 2021, booliisku waxay soo saareen liiska shanta tuhmane ee argagixisada aadka loo doondoonayo iyagoo duldhigay lacag dhan 10 milyan oo Ksh mid kasta oo ka mid ah tuhmanayaasha.

Waxay ka codsadeen dadweynaha in ay si iskaa wax u qabso ah u soo gudbiyaan macluumaadka keeni kara in la soo qabto iyagoo sheegay in ay khatar yihiin amniga dalka Kenya.

Chotara ayaa lagu soo waramayaa in loo raadinayo eedeymo argagixisanimo, waxaana looga shakisan yahay inuu ku biiray kooxda Daacish ee Mozambique.

"Maxamed waxaa lala xiriirinayaa falal dambiyeedyo kala duwan oo ka dhacay Mombasa iyo qeybo ka mid ah Xeebta Koonfureed, waxaana lagu soo waramayaa inuu qorsheynayo inuu si dhuumaaleysi ah ugu soo galo dalka si uu uga fuliyo weeraro argagaxiso," ayay mas'uuliyiintu sheegeen.

Kuwa kale ee liiska lagu daray waxaa ka mid ah Trevor Ndwiga, Muhammad Abubakar, Elgiva Bwire, iyo Barigi Haila kuwaas oo aan wali la xirn.

Booliska ayaa ku micneeyay Trevor Ndwiga oo loo yaqaan Idriss Jamal in looga shakisan yahay in uu ku biiray Al-Shabaabka Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in uu qorsheynayay in uu si dhuumasho ah ugu laabto Kenya si uu weeraro argagixisanimo uga fuliyo.

Qabashada tuhmanahan ayaa ku soo beegantay maalin uun ka dib markii safaaradaha Faransiiska, Jarmalka iyo Maraykanka ay soo saareen digniino argagixiso, iyagoo uga digay muwaadiniintooda inay booqdaan goobaha dadku ku badan yahay.

Mas’uuliyiinta Kenya oo arrintaas ka jawaabaya ayaa shacabka ugu baaqay in ay feejignaadaan iyagoo u xaqiijinaya in la adkeeyay ammaanka guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM

Mareykanka oo soo farageliyay colaadda ka taagan gudaha Itoobiya

Isku-dhacan ayaa u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada fano ee gobolka Amxaarada.

  • Afrika

    16-05-2024

  • 03:34AM