Ethiopia: Bangigii ugu horeeyay Soomaali leedahay oo la furay

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Mustafa Cagjar ayaa ka qeybgalay munaasabadda daahfurta bangigan.

JIGJIGA, Soomaali State - Bangigii ugu horreeyay ee ay Soomaalida Deegaanku yeelato ayaa maanta lagu daah-furay magaalada Jig-jiga, waxa uuna ka shaqo gali doonaa guud ahaan Itoobiya, sida ay warisay saxaafadda.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar, Madaxwayne-ku-xigenka Ibraahim Cusmaan Faarax, Maareeyaha Bangiga Shabeelle, Khadar Axmed iyo mas'uuliyiin kale.

"Ilaa iyo hadda barnaamijyadii ay xukuumaddu waday waxa ay ahayd soo celinta magacii, astaamihii iyo taariikhihii ummada Soomaaliyeed ee Deegaanka, mida bangiga ee aynnu maanta u joognana ku waasi anbay kamid tahay," ayuu yiri Cagjar.

Cagjar ayaa xusay in ahmiyada bangigani uu u leeyahay shacabka Deegaanka ay tahay mid aad u ballaadhan "waxa uu wax-weyn ka tari doonaa horumarinta nolosha bulshada iyo kor-u-qaaddida kaabayaasha dhaqaale ee bulshada," ayuu raaciyey.

"Billowgii isbaddalka Deegaanka ayuu billaabmay dhaq-dhaqaaq ay xukuumaddu hormuud ka ahayd oo lagu yagleelayay bangigani Shabeelle ee la daah-furay maanta; Ujeeddaduna waxa ay ahayd in la hirgeliyo bangi u taagan matalaadda shacabka Deegaanka Soomaalida oo si dhab ahna u daboola baahidooda dhaqaale," ayuu yiri TV-ga ku hadla afka degaanka.

Shabeelle bank ayaa loo aas-aasay in uu bixiyo adeegyo maaliyadeed oo waafaqsan mabaadi'da shareecadda Islaamka oo guud ahaan Itoobiya ka dhaqan gasha iyo in uu gacan ka gaysto hirgelinta kobac dhaqaale oo waara.

Hay'adii adeegga lacagaha yar-yar ee loo yaqaanay (Micro-finance) ayaa wakhtigani u dalacday bangigani Shabeele kaddib saamiyo ay ka gateen bulshada Deegaanka iyo kabitaan lacageed oo ay u samaysay xukuumadda Deegaanku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM