Ethiopia oo markii ugu horeysay Haweeney Madaxweyne ka noqotay

Image

ADDIS ABABA - Baarlamaanka Ethiopia ayaa u doortey Sahlework Zewde Madxweynaha cusub ee dlkaasi, iydoo noqonaysa haweenaydii ugu horeysay oo xilka loo magacaabo.

Sahlework Zewde ayaa bedelaysa Mulatu Teshome, kaasoo shalay is-casiley, iyadoo aan la shaacin sababta uu shaqada uga tagey, balse loo maleynayo inay la xiriirto hanaanka awood qeybsiga maadaama uu kasoo jeedo qowmiyadda Oromada.

Madaxweynaha cusub ayaa horey u ahayd wakiilka gaarka Qaramada Midoobey ee Midowga Africa.

Waxay sidoo kale noqotay safiirka Ethiopia ee dalka Senegal, Mali, Cape Verde, Guinea-Bassau, Gambia iyo Guinea intii u dhaxeysay 1989 ilaa 1993, waa dilumaasi rugcadaa ah oo mudo soo shaqeynaysa.

Laga soo billaabo 1993 ilaa 2002, Sahlework waxay ahayd Safiirka Ethiopia ee Djibouti iyo wakiilka joogtada ah ee IGAD.

Sahlework Zewde waxay mudooyinkii ugu dambeeyay ahayd safiirka Ethiopia ee France, iyadoo taasi u dheerayd inay dalkeeda wakiil uga ahayd hay'adda UNESCO.

2002 ilaa 2006 sidoo kale safiirka Eithiopia ee Morocco iyo Tunisa ayay soo noqtay. 

Magacaabisteeda waxay kusoo aadeysaa xillii isbedel siyaasadeed uu ka socdo dalka Eithiopia iyadoo dhawaan uu R'iisul Wasaare Abiy magacaabey golle wasiiro oo ka kooban 20-xubnood, kuwaasoo lagu soo kordhiyo wasaarado cusub.

GAROW ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM