France oo laga dilay askar soo furaneysay dalxiiseyaal la qafaashay

Image

OUAGADOUGOU, Burkina Faso – Dowlada Faransiiska ayaa xaqiijisay in Khamiistii laba askari looga dilay dalka Burkina Faso ee dhaca waqooyi iyo bartamaha qaarada Afrika.

Askarta ayaa la khaarijiyey xili ay ku guda jireen howlgal ay kusoo badbaadinayeen dalxiiseyaal la afduubtay.

La haystayaasha oo laba kamida u dhashay Faransiiska, mid Ameerikaan ah iyo mid kale oo Koonfur Afrika kasoo jeeda ayaa la qafaashay 1-dii May.

Ciidamada la dilay oo ka tirsanaa xoogaga sida gaarka ah u tababaran ee Faransiiska ayaa lagu kala magacaabaa Cédric de Pierrepont iyo Alain Bertoncello.

Inkasta oo la naf-gooyey askarta, haddana howlgalka lagu soo furanayey dalxiiseyaasha ayaa noqday mid lagu guuleystay.

Emmanuel Macron, madaxweynaha Faransiiska ayaa bogaadiyey howlgalka, isaga oo cadeeyay in dowladiisu ay ka go'an tahay ciribtirka argagixisada.

Lama ogga hadii ragga falka afduubka ah sameeyay lagu khaarijiyey howlgalka, wallow dowlada Benin oo ah meesha dhacda laga soo tabiyey aysan caddeyn.

Wasiirka Ciidamada Hubeysan ee wadanka ku yaalla qaaradda Yurub ee Faransiiska, Florence Parly, oo xaqiijisay geerida askarta ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM