Geelle oo eryay wasiiro, isku shaadheyna ku sameeyay xukuumada

Image

JABUUTI, D-Jabuuti – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xilalkii ka qaadey afar wasiiro, sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiskiisa oo ku taariikheysan 5-ta bisha May 2019.

Boode Axmed Rooble, oo ahaa wasiirkii Miisaaniyada ayaa waxaa jagadiisa loo dhiibay Cabdikariin Aadan Sheer.

Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, ayaa laga dhigay wasiirka warfaafinta xili xilkaasi laga qaadey Cabdi Yuusuf Suge.

Maxamed Warsame Diiriye ayaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka xili booskaasi laga xayuubiyey Jaamac Cilmi Sugiye.

Xasan Idiris Samriye, oo ahaa wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa la eryay, iyadda oo lagu bedelay Cismaan Ibraahim Rooble.

- Isku shaandheyn –

Wasiirkii cadaalada Muumin Axmed Sheekh ayaa loo wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha, sidda ku cad digreetadda.

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga, Cali Xasan Bahdoon, ayaa loo xushay in uu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha Cadaaladda.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa loo dalac-siiyey wasiirka difaaca iyo xiriirka golaha shacabka.

Sidda ku xusan wareegtadda, waxaa guud ahaan wasiiro dowlayaashii laga dhigay wasiiro kamid noqonaya Laanta Fulinta.

Isbedelka uu sameeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, 72-sano jir xafiiska jooga tan iyo sanadkii 1999-kii, ayaa ah mid uu awood u siinayo Dastuurka u yaalla Jamhuuriyadda Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM