Geelle oo eryay wasiiro, isku shaadheyna ku sameeyay xukuumada

Image

JABUUTI, D-Jabuuti – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xilalkii ka qaadey afar wasiiro, sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiskiisa oo ku taariikheysan 5-ta bisha May 2019.

Boode Axmed Rooble, oo ahaa wasiirkii Miisaaniyada ayaa waxaa jagadiisa loo dhiibay Cabdikariin Aadan Sheer.

Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, ayaa laga dhigay wasiirka warfaafinta xili xilkaasi laga qaadey Cabdi Yuusuf Suge.

Maxamed Warsame Diiriye ayaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka xili booskaasi laga xayuubiyey Jaamac Cilmi Sugiye.

Xasan Idiris Samriye, oo ahaa wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa la eryay, iyadda oo lagu bedelay Cismaan Ibraahim Rooble.

- Isku shaandheyn –

Wasiirkii cadaalada Muumin Axmed Sheekh ayaa loo wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha, sidda ku cad digreetadda.

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga, Cali Xasan Bahdoon, ayaa loo xushay in uu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha Cadaaladda.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa loo dalac-siiyey wasiirka difaaca iyo xiriirka golaha shacabka.

Sidda ku xusan wareegtadda, waxaa guud ahaan wasiiro dowlayaashii laga dhigay wasiiro kamid noqonaya Laanta Fulinta.

Isbedelka uu sameeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, 72-sano jir xafiiska jooga tan iyo sanadkii 1999-kii, ayaa ah mid uu awood u siinayo Dastuurka u yaalla Jamhuuriyadda Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM