Getachew Reda: Gobolka Tigray oo yeeshay hogaamiye ku meelgaar ah

Image
Ma cadda goorta ay dowladda federaalka go'aan kama dambeys ah ka qaadaneyso magacaabista Getachew.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xisbiga talada haya ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa afhayeenkooda Getachew Reda u magacaabay inuu noqdo madaxweynaha maamul ku meel gaar ah, sida ay sheegtay warbaahinta uu xisbigu maamulo.

Haddii magacaabista Getachew ay ogolaato dowladda federaalka Itoobiya waxa uu bedeli doonaa hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, kaasoo tan iyo 2018 hogaaminayay Tigrayga.

Ma cadda goorta ay dowladda federaalka go'aan kama dambeys ah ka qaadaneyso magacaabista Getachew iyo xilliga la dhisayo maamulka ku meelgaarka ah.

Afhayeenka dawladda Itoobiya, Legesse Tulu, ayaa si degdeg ah uga soo jawaabin codsi ay u dirtey warbaahinta caalamiga ah gaar ahaan wakaaladaha wararka sidda Reuters.

Maamul la'aanta Tigray ayaa caqabad ku noqotay wax ka qabashada xaaladaha bini'aadantinimo ee guud ahaan Tigrayga, halkaas oo malaayiin ay u baahan yihiin gargaar, sida ay sheegeen shaqaalaha gargaarka.

"Mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo shaqaalaha caafimaadka ayaan la siinin, hay’adaha gargaarkana waxa ay la’yihiin cid si cad ula shaqeysa," ayay hoosta ka xariiqeen.

Magacaabida Getachew ayaa timid maalmo ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu booqasho ku tagay Itoobiya, kuna baaqay hirgelinta heshiiska nabadda kana digay cawaaqib ka dhasha haddii lagu fashilmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM