Maxaa ka cusub wadahadalka dibad baxayaasha iyo ciidanka Suudaan?

Image

Wadahadallo lagu tilmaamay kuwo "togan" ayey wakiillo ka socday kooxaha mucaaradka ah ee waawayni la yeesheen golaha ku meel gaadhka ah ee milatariga Sudan.

Madani Cabbaas oo ka mid ah gudida wadaxaajoodka u qaabilsan isbahaysiga Baaqa Xorriyada iyo Isbedelka ee mucaaradka ah ayaa BBC-da u sheegay in wadahadalladii lagu doonayey in lagu dhiso gole rayid ah oo dalka hogaamiya laga gaadhay "wax la taaban karo".

Waxaanu carrabka ku dhuftay in ay labada dhinac ba ka muuqatay in ay u heellanyihiin "rabitaanka shacabka", waxaanu intaa ku daray in arinta loo badanyahay tahay in la dhiso gole dalka hogaamiyaha oo labada dhan ku midaysanyihiin.

Waxaanu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in kulankii koobaad ee labada dhinac yeesheen Sabtidii ahaa mid "togan".

Waxa sidoo kale la filayaa in wareegga labaad ee wadahadalladaa uu ka soo baxo qaraar lagu shaacin doono cidda ka mid noqon doonta golahaa la dhisi doono oo la filayo in ay ka mid noqon doonaan xubno milateri iyo rayid isugu jiraa.

Dhanka kalena hogaamiyahay xisbiga mucaaradka ah ee Al-Ummah, Saadiq al-Mahdi, ayaa ku baaqay in golaha milatariga lagula dhaqmo si aan "caadifad lahayn".

Waxaanu shir jaraa'id oo uu qabtay ka sheegay in milatarigu u hiiliyey shacabka oo aanu "af-gembi dhigin", waxaanu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in ay ma huraan tahay in si sharciga waafaqsan maxkamad loo soo taago xubnihii rukunnada u ahaa xukuumaddii hore.

Waxa kale oo uu ka digay "inqilaab ay maleegayaan nidaamkii hore" in kasta oo aanu faahfaahin. Al-Mahdi waxa kaloo uu ku baaqay in la sameeyo qodobo dastuuri ah oo ay ku wada shaqeeyaan golaha milatariga ah iyo ururada rayidka ahi.

BBC

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM