Hogaamiye mucaarad oo hees ku dhaliilay madaxwayne

Image
Bobi Wine ayaa hoosta k xariiqay in uu sii laba-jibaari doono ololihiisa.

KAMPALA, Uganda - Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda ahna muusikiiste Bobi Wine ayaa soo saaray hees cinwaankeedu yahay Ogenda, oo ah eray Luganda ah oo si dabacsan ugu macno ah "Waxaad dhici doontaa".

"Heestan ayaa si toos ah loogu sameeyay dhegaha Madaxweyne Yoweri Museveni, sababtoo ah waxa uu ka jeestay in uu dalka ku soo dabaalo dimuqraadiyad," ayuu yiri.

Bobi Wine ayaa u sheegay barnaamijka Focus on Africa ee BBC in uu soo bandhigo dambiyada uu galay nidaamka madaxweynaha "waana sababta sawirada foosha xun loo adeegsaday muuqaalka".

"Maamulka Uganda waxa uu geliyey lacag aad u badan si uu u qariyo xad-gudubyada," ayuu hadalkiisa ku daray isaga oo adkeeyay in uu sii laba-jibaari doono ololaha uu waddo.

Wine oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in warbaahinta Uganda ay tahay mid liidata oo sida kaliya ee lagu soo bandhigi karo "quranka" ay tahay muusigga.

"Caddaaladu waxay dhici kartaa oo kaliya marka aan soo bandhigno dambiyada, taas waa sababta aan u sii wadeyno soo gudbinta, taasi waa habka kaliya ee aan ula dagaallami karno," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidan Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Kenya iyo xiisad dagaal oo ka dhalatay

Warbixin rasmi ah oo laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Moyale (OB No. 32/22/11/2025) ayaa tilmaamaysa in ciidamada Kenya Police.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 12:44PM

Nigeria: 303 Arday iyo 12 Macallin oo La Afduubay, Warbixin Cusub oo La Soo Saaray

Ardayda la afduubay waxay yihiin wiilal iyo gabdho da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 18 sano, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 06:25AM