Hormuudka kooxdii afduubatay Xafsa oo la qabtey

Image

NAIROBI, Kenya – Laanta dambi-baarista Kenya ayaa Axada maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay gacanta ku dhigtay hogaamiyeyaasha kooxdii afduubatay Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah gabar Soomaali ah taasoo ahayd ganacsato.

Qoraal kasoo baxay CID-da Kenya ayaa lagu caddeeyay in labada qof ee la rumeysan yahay in ay yihiin maskaxda ka dambeysay qafaalashada laga soo xiray guri ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taala xaafad ka tirsan caasimada Nairobi.

Xafsa oo la waayey 15-kii June ayaa xorriyadeeda waxay dib u heshay Axada todobaadkii lasoo dhaafay kadib howlgal ay sameeyeen ciidamadda dharcadka ee Kenya.

Sida lagu sheegay qoraalka CID-da Kenya, dableyda afduubatay oo dalbatay lacag madax furasho ah ayaa koontada haweenayda kala baxay lacag dhan lix kun oo doolarka Mareykanka.

"Baarayaasha waxay dedaal dheeriya ku bixin doonan in aysan kusii raagin dhibaneyaasha koox kasta oo afduubata iyaddoo manaxayaasha ay had iyo goor wajihi doonan cadaaladda," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Kiisaska afduubka gaar ahaan kuwa lagu beegsado Soomaalida ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn ugu soo batay gudaha Kenya, waxaana loo aaneynayaan habacsanaan ka jirta dhanka ammaanka taasoo dadweynaha cabsi gelisay.

Soomaalida ayaa kamid ah bulshooyinka ugu hodansan gudaha Kenya gaar ahaan magaala madaxda Nairobi halkaasoo ay ku haystaan ganacsiyo kala duwan balse dhacdooyinka amni daro ee soo badanaya waxay sababi karaan dib-u-gurasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM