In ka badan 200 meyd tahriibeyaal ah oo lagu helay 10 casho gudaheeda

Image
Muhaajirintan ayaa lagu waramay in ay kasoo jeedaan dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

TUNIS, Tunisia - Mas'uuliyiinta Tunisia ayaa soo saaray meydadka 210 tahriibayaal ah oo ku qaraqmay xeebaha dalkaasi todobaadkii hore, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ciidamada boolis-milataarya ee dalkaasi Jimcihii.

Afhayeenka ciidamada qaranka Tunisia, Hosam Eddin Al-Jababli, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in “210 mayd oo tahriibayaal ah ay soo saareen cutubyada ilaalada badda".

"Meydadka la helay waxay u muuqdaan in ay yihiin muhaajiriin ka yimid dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya," ayuu hadalkiisa kusii daray Gaashaanle Al-Jababli.

Howlgallada baaritaannada ayaa ka dhacay magaalooyinka xeebaha ah ku yaalla ee Sfax, Kerkennah, iyo Mahdia intii u dhaxeysay 18-kii illaa 27-kii Abriil, sidda uu sheegay afhayeenku.

Tuniisiya waxay leedahay in ka yar 150 kiiloomitir (90 mayl) xeeb, iyadoo Lampedusa, oo ah jasiirad Talyaani ah oo ah meesha ugu horeysa ee ay u socdaalaan muhaajiriinta aan joogtada ahayn ee isku dayaya safarka halista ah ee badda ee Waqooyiga Afrika ilaa Yurub.

Muddo sanado ah, wadamada Waqooyiga Afrika sida Tunisia, Algeria, Libya, Mauritania, iyo Morocco waxay goob joog u ahaayeen isku dayo ay sameeyeen tahriibayaal - oo u badan kuwa ka yimid Saxaraha ka hooseeya - si ay u gaaraan Yurub, iyagoo rajeynaya nolol wanaagsan.

Sidda laga soo xigtay mas'uuliyiinta Tunisia, in ka badan 20,000 oo muhaajiriin aan caadi ahayn ayaa la xiray sanadkii 2021. Tahriibeyaashan ayaa la aaminsan yahay in ay ku jiraan qaar badan oo Soomaali ah wallow aan tirokoob lagu sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM