Is-qabqabsi kasoo ifbaxay coddeynta madaxtinimada Nigeria

Image
Waa doorashadii ugu horeysay ee waddankan loo adeegsado qalabka casriga ah ee elektaroonik ah.

ABUJA, Nigeria - Axsaabta mucaaradka Nigeria ayaa waxay isaga baxeen goobta lagu dhawaaqay natiijadii horudhaca ahayd ee doorashada madaxtinimo ee dalkaas oo si adag loogu tartamay.

Xisbiyada mucaaradka ah ee PDP iyo xisbiga shaqaalaha ayaa ku andacoonaya in ay jirto "daah-furnaan la'aan dhanka nidaamka cusub ee cod-bixiyayaasha ee elegtarooniga ah".

Waa doorashadii ugu horeysay ee waddankan loo adeegsado qalabka casriga ah ee elektaroonik ah loo kaasoo loogu talagalay in lagu aqoonsado codbixiyayaasha.

Guddida doorashooyinka oo illaa haatan sheegay in musharaxa xisbiga talada haya uu hogaanka hayo ayaa ku gacan sayray cabashada xisbiyada mucaaradka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka (Inec) Mahmood Yakubu ayaa carabka ku adkeeyay in ku dhawaaqista natiijada ay sii socon doonto.

Musharaxa ayaa u baahan in uu helo codadka ugu badan iyo rubuc ka mid ah codadka laga dhiibtay 25 ka mid ah 36-da gobol oo lagu daray caasimada Abuja si loogu dhawaaqo in uu guulaystay.

Haddii kale, waxaa jiri doona wareeg labaad oo lagu qaban doono muddo 21 maalmood gudahood - waxayna noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda Nigeria.

Xisbiyada talada haya ee All Progressives Congress (APC) iyo PDP ayaa ka talinayay Nigeria tan iyo markii uu dhamaaday xukunkii militariga sanadkii 1999-kii balse markan Mr Obi oo ka socda xisbiga Labour-ka oo aan horey loo aqoon ayaa la filayaa in uu loolan adag ku qaado nidaamka labada xisbi.

Mr Obi oo maalqabeen ah ayaa waxa uu taageero ka haystaa dhallinyaro badan, kuwaas oo saddex meelood meel ka ah codbixiyaasha is-diiwaangeliyey. Waxaa jira 15 musharax oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM