Isku-day afgembi milatari dhicisoobay oo ka dhacay Guinea-Bissau

Image
Madaxwayne Umaro Sissoco Embaló ayaa balanqaadey in si xun loo ciqaabi doono dambiileyaasha.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Guinea-Bissau ayaa waxa uu ku dhawaaqay in rasaas xooggan oo Jimcihii ka dhacday caasimadda dalkaas ay ahayd isku day afgambi, sidda ay warisay saxaafadda.

Umaro Sissoco Embaló ayaa caddeeyay in uu wakhtigaa dalka ka maqnaa, isagoo ka qayb galay shirkii cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP28 ee ka dhacay Dubai.

Isagoo hadlayay Sabtidii, Madaxweyne Umaro Sissoco Embaló oo ay soo xigatay warbaahinta wuxuu ballan qaaday "in cawaaqib xun" ay la kulmayaan dambiilayaasha.

Waa afgambigii labaad ee la fashiliyo oo ka dhan ah hoggaankiisa muddo laba sano ka yar. Rabshadaha ayaa bilaabmay fiidnimadii Khamiista waxayna socdeen ilaa subaxnimadii Jimcaha.

Nin lagu tilmaamay inuu ahaa hoggaamiyihii koox askar ah oo isku dayay inay sii daayaan wasiir la xiray iyo sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Guinea-Bissau ayaa la qabtay, sida ay ciidamadu sheegeen.

Xubno ka tirsan Ciidanka Ilaaladda Qaranka ayaa kaxaystay mas’uuliyiinta ka hor inta aysan gabaad ka dhigan xeryaha ciidamadda ay ku leeyihiin koonfurta magaalada.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa soo kala dhexgalay kadib markii ay fashilmeen isku dayo lagu doonayay in lagu wada xaajoodo, taasoo keentay in rasaas la is dhaafsado. Xaalka ayaa haatan dagan.

Wasiirka maaliyadda Souleiman Seidi iyo António Monteiro, oo ah xoghayaha dawladda ee khasnadda, ayaa la xiray iyada oo ay socdaan baaritaanno la xiriira in laga waayay $10 milyan maaliyadda dowladda.

Bishii Febraayo ee sannadkii hore, madaxweyne Embaló ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day afgambi ka dib markii ay rasaas culus socotay muddo shan saacadood ah - dhacdo ay ku dhinteen 11 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM