Itoobiya: Dad rayid ah oo ku dhamaadey duqeyn diyaaradeed

Image
Saddex qof oo kale oo uu ku jiro madaxa cisbitaal maxali ah ayaa ku dhaawacmay falkan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Shan qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gobolka Axmaaradda ee Itoobiya kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay gantaal ku dhufatay ambalaas, sidda ay dad goob-joogayaal ah u sheegeen BBC.

Saddex qof oo kale oo uu ku jiro madaxa cisbitaal maxali ah ayaa ku dhaawacmay falkan oo ka dhacay magaalada Wogel Tena ee waqooyi bari ee Axmaarada.

Weerarku waxa uu dhacay asbuucii hore hase ahaatee waxa la xaqiijiyay Arbacada maanta ah sababo la xiriira xannibaadaha isgaarsiinta ee ay soo rogeen maamulka deegaanka.

Dad goob-joogayaal ah ayaa hoosta ka xariiqay in dadka geeriyoodey ay kamid yihiin darawalkii waday Ambalaasta, Farmashiste iyo Shaqaalihii dhismaha ka ag dhawaa.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka si ay u beegsadaan maleeshiyaad deegaanka ah, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha bilaawday bishii April.

Bishii la soo dhaafay, Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay inay dhibsatay duqaymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaaceen bartilmaameedyo rayid ah oo ku yaalla Axmaarada.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxa ay hoosta ka xariiqdey in dhowr qof lagu dilay weerar lagu qaaday xarun dugsi iyo goob basaska laga raaco taas oo ay sababtay waxyeelo dhimasho ah soo gaarey dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Ugu Yaraan Afar Qof oo Ku Dhintay Dibaydaxyo Ka Dhan Ah Sicir-bararka Shidaalka

Tani waxay ku qasabtay ardayda iyo shaqaalaha inay masaafo dheer u lugeeyaan iskuulada iyo goobaha shaqada.

  • Afrika

    19-05-2026

  • 12:12PM

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM