Itoobiya iyo Masar oo mar kale hadalo xanaf leh hawada isku-mariyey

Image
Xiisaddan cusub ayaa timid kadib markii xukuumadda Qaahira ay soo saartay digniin cusub.

QAAHIRA, Masar - Dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaa mar kale waxaa ka dhex-qarxay khilaaf cusub kaasoo ka dhashay mashruuca weyn ee biyo xireenka weyn ee waddanka Itoobiya (GERD) ee ku yaal webiga Blue Nile.

Xiisaddan cusub ayaa timid kadib markii Qaahira ay soo saartay digniin cusub oo ah "in ay diyaar u yihiin wax walba" oo ay kaga falcelin karta khatar kasta oo soo food-sarata biyaheeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Sameh Shoukry, ayaa yiri: "Dhowr waddo ayaa noo furan. Mid walba waxaa u diyaarsan qorshe badal ah. Masar waxay leedahay awoodo ay wax kaga qaban karto".

"Masar mar walba waxay diiradda saareysaa waxa danteeda ay ku jirto. Hase ahaatee, mar walba oo ay wax iska caabineyso waxay u fulinaysaa si asluubaysan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa si caro leh uga jawaabtay hadalkaas, waxayna ku tilmaamtayhadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Masar "in uu yahay mas'uuliyad darro".

"Khatarta noocan oo kale ah waxay ka dhigan tahay jebinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo Xeerka Dastuuriga ah ee Midowga Afrika," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ku sheegtay bayaan.

Suudaan iyo Masar ayaa ka cabsi qaba in mashruuca weyn ee biyo-xidheenka uu aakhirka hoos u dhigo saamigooda taariikhiga ah ee biyaha wabiga Nile sidaas awgeed ay u arkaan inuu khatar ku yahay ammaankooda biyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM