Itoobiya iyo Masar oo mar kale hadalo xanaf leh hawada isku-mariyey

Image
Xiisaddan cusub ayaa timid kadib markii xukuumadda Qaahira ay soo saartay digniin cusub.

QAAHIRA, Masar - Dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaa mar kale waxaa ka dhex-qarxay khilaaf cusub kaasoo ka dhashay mashruuca weyn ee biyo xireenka weyn ee waddanka Itoobiya (GERD) ee ku yaal webiga Blue Nile.

Xiisaddan cusub ayaa timid kadib markii Qaahira ay soo saartay digniin cusub oo ah "in ay diyaar u yihiin wax walba" oo ay kaga falcelin karta khatar kasta oo soo food-sarata biyaheeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Sameh Shoukry, ayaa yiri: "Dhowr waddo ayaa noo furan. Mid walba waxaa u diyaarsan qorshe badal ah. Masar waxay leedahay awoodo ay wax kaga qaban karto".

"Masar mar walba waxay diiradda saareysaa waxa danteeda ay ku jirto. Hase ahaatee, mar walba oo ay wax iska caabineyso waxay u fulinaysaa si asluubaysan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa si caro leh uga jawaabtay hadalkaas, waxayna ku tilmaamtayhadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Masar "in uu yahay mas'uuliyad darro".

"Khatarta noocan oo kale ah waxay ka dhigan tahay jebinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo Xeerka Dastuuriga ah ee Midowga Afrika," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ku sheegtay bayaan.

Suudaan iyo Masar ayaa ka cabsi qaba in mashruuca weyn ee biyo-xidheenka uu aakhirka hoos u dhigo saamigooda taariikhiga ah ee biyaha wabiga Nile sidaas awgeed ay u arkaan inuu khatar ku yahay ammaankooda biyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM