Itoobiya oo dib ugu yeertey 90 diplomaasi [ Sabab]

Image

ADDIS ABABA - dowlada Itoobiya ayaa dib ugu yeertay 90 diplomaasi oo muddo baddan shaqeynayey, sidaas waxaa sheegtey wakaalada wararka Fanabc.

Diploomasiyintaan, oo la filayo iney iska soo xaadiriyaan Waaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayaa 4-25 ka shaqeynayey safaardaha iyo qunsuliyadaha dalkaas ku kala leeyahay caalamka.

Wasaarada arimaha dibada dalka Itoobiya ayaa sheegtey in 130 diplomaasi la siiyey tababar si ay shaqada ugala wareegeen saraakishaan la badalayo.

Dhinaca kale xisbiga TPLF oo kamid ah isbaheysiga ka arimiya dalka Itoobiya ayaa kulan uu maanta isugu yimid ku badalay golihiisa fulinta kuwasoo Sagaal qof xubno isugu jira u kala magacaabey hogaankiisa.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacey isbadalo siyasadeed iyo kuwo dhaqaale tan iyo intii uu xilka la wareegey RW Abiy Axmad.

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM