Itoobiya oo dib ugu yeertey 90 diplomaasi [ Sabab]

Image

ADDIS ABABA - dowlada Itoobiya ayaa dib ugu yeertay 90 diplomaasi oo muddo baddan shaqeynayey, sidaas waxaa sheegtey wakaalada wararka Fanabc.

Diploomasiyintaan, oo la filayo iney iska soo xaadiriyaan Waaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayaa 4-25 ka shaqeynayey safaardaha iyo qunsuliyadaha dalkaas ku kala leeyahay caalamka.

Wasaarada arimaha dibada dalka Itoobiya ayaa sheegtey in 130 diplomaasi la siiyey tababar si ay shaqada ugala wareegeen saraakishaan la badalayo.

Dhinaca kale xisbiga TPLF oo kamid ah isbaheysiga ka arimiya dalka Itoobiya ayaa kulan uu maanta isugu yimid ku badalay golihiisa fulinta kuwasoo Sagaal qof xubno isugu jira u kala magacaabey hogaankiisa.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacey isbadalo siyasadeed iyo kuwo dhaqaale tan iyo intii uu xilka la wareegey RW Abiy Axmad.

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM