Itoobiya oo gudbisay dalab ka dhan ah madaxa hay'adda WHO

Image
Dr Tedros ayaa ka soo jeeda qoomiyada Tigreega, waxaana uu ahaa wasiirkii caafimaadka dawladii hore ee Itoobiya.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ka codsatay in ay baaritaan ku sameyso madaxeeda gaarka ah ee Itoobiya Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa ayaa waxa ay ku tilmaantay Ghebreyesus mid “xog qaldan oo waxyeello leh” iyo “anshax-xumada” ka bixiyey colaadda dalka ka jirta.

“Waxa uu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Itoobiya oo ay ku jirto xiriirka Itoobiya iyo dowladda Ereteriya,” ayay tiri dowladdu oo war-saxaafadeed rasmi ah soo saartey.

Waxa kale oo ay ka digtay in Dr Tedros uu khatar gelin karo sharafta jidhka caafimaadka. Ma aysan bixin tafaasiil ku saabsan waxay tahay halistaas iyo sababta dhabta ah ee ka dambeysay.

Toddobaadkan, Dr Tedros waxa uu ku tilmaamay xaaladda nololeed ee ay dagaaladu ku dhufteen ee Tigray inay yihiin "naarta" wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda inay ka hortagayso dawooyinka muhiimka ah ee soo gala gobolka.

Dhanka kale, dowladdu waxay ku eedaysay mucaaradkeeda - falaagada Tigray - inay xannibeen gargaarka. Dhammaan dhinacyada isku haya colaadda ayaa lagu eedeeyay inay weerareen ama la wareegeen sahayda gargaarka.

Addis Ababa ayaa horay ugu eedeysay Dr Tedros inuu taageeray jabhaddii Tigrayga xilligii ay socdeen dagaallada sokeeye ee Itoobiya, taasoo uu beeniyay.

Dr Tedros ayaa ka soo jeeda qoomiyada Tigreega, waxaana uu ahaa wasiirkii caafimaadka dawladii hore ee Itoobiya, taasoo ay hogaaminaysay kooxda TPLF oo haatan u muuqaneysa mid ay sii wiiqmeyso awoodeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM