Itoobiya oo heshay dekad Soomaaliya ku taalla xili hadal uu Abiy jeediyay walaac abuuray

Image

ADDIS ABABA - Wadahadallada Itoobiya iyo Somaliland ee ku saabsan suurtagalnimada isticmaalka dekedda magaalada Berbera ayaa meel wanaagsan maraya, wakaaladda wararka ee Itoobiya ee EPA ayaa barta Facebook ku baahisay, iyadoo soo xiganaysa wasiir ka tirsan xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bishii Oktoobar sheegay in raadinta dekad ku taala badda cas ay tahay “arrin jirita” oo aad ugu baahan yahay dalkiisa, waxaana hadalkaas walaac ku abuuray dalalka deriska la ah Itoobiya.

Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, balse Midowga Afrika (AU) iyo QM midna uma aqoonsana inay tahay dal madax-bannaan.

Wasiirka gaadiidka iyo saadka dowladda Itoobiya Alemu Sime ayaa ka warbixiyey shirka golaha wasiirada oo uu gudoominayey Mr Abiy wadahadalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Itoobiya EPA.

Itoobiya ay isticmaasha dekedda Jabuuti 95% oo badeecadaha kala soo degta iyo kuwa ay ka dhoofiso, waxaana socda dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, islamarkaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera.

Wadahadallada lala yeeshay dowladda Kenya ayaa sidoo kale meel wanaagsan u maray isticmaalka dekedda Lamu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM