Itoobiya oo nin dambi culus ku eedeysan u dhiibeysa Mareykanka

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Mas'uuliyiinta dowlada Itoobiya ayaa xaqiijiyay in dalkaasi uu ugacan-gelinayo Mareykanka nin ku eedeysan laba dil.

Dhiibista Yohannes Nesibu, 25-sano jir haysta dhalashada Ameerika ayaa ka dambeysay kadib codsi ka yimid xeer-illaaliyaha guud ee Mareykanka.
Yohannes ayaa la tuhunsan yahay in uu laba qof oo Itoobiyaan ah uu sanadkii 2016-kii uu ku khaarijiyey gobolka Virginia.

"Iyadda oo la qiimeynayo caddeymo badan ayaan go’aan sanay in aan ugu dhiibo Mareykanka," ayuu yiri Zinabu Tunu, afhayeenka dacwd oogaha Itoobiya.

La tuhunsanaha oo haatan ku jira xabsi ku yaalla Itoobiya ayaa sidoo kale lagu eedeynayaa in uu si qaldan u adeegsaday laba qori.

Wakaaladda wararka Associated Press ayaa ku warameysa in qaraabada iyo asxaabta ninka la dhiibayo ay su'aalo ka keenayaa talaabada dowladda.

Simeneh Kiros, qareenka eedeysanaha, ayaa sheegaya in sharci darro ah ay tahay dhiibitaanka kalyeentigiisa.

"Tan koowaad, looma marin nidaam sharci ah, tan labaad, ma jiro heshiis isu gacan-gelin maxaabiis oo labada dowladeed u yaalla," ayuu Simeneh yiri.

Sidda laga soo xigtay reerkiisa, Yohannes ayay Booliska soo qabteen laba bilood kahor markii aabihiis xabsi la dhigay lix maalmood kahor xarigiisa.

"Arrintaan waa qadiyad taabaneysa madax babaanida dalka … Mareykanka wuxuu ku wajihi karaa toogasho, ma jiro heshiis ogolaanayana," ayuu aaba Nesibu Bezabih.

Afhayeenka oo gaashaanka ku dhuftay sheegashooyinka qareenka iyo qoyska ayaa ku adkeystay in uu jiro waajibaad iyo awood u ogolaaneysa in ay wareejiyaan Yohannes Nesibu.

"In uu haysto dhalashada Mareykanka ayaa ka dhigan in la dhiibi karo … mas'uuliyiinta Mareykanka way xor-meyn doonaa xuquuqdiisa," ayuu hadalkiisa kusoo koobay afhayeenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM