Itoobiya oo Puntland ku sheegtey dalalka ciidamadooda Badda dhisey [Sabab]

Image

ADDIS ABABA - Dowlada Itoobiya ayaa sheegtey iney qorsheyneyso iney kor u qaado awooda ciidmadeeda guud ahaan gaar ahaan dib u dhisto ciidamo badeed xoog badan oo ka howlgala badaha ku dhow dalkeeda, sida Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, sidaas waxaa sheegey taliye ku xigeenka ciidanka difaaca wadankaas.

Isagoo la hadlaya wakaalada wararka Itoobiya, General Berhanu Jula waxaa yiri  hogaanka RW Abiy Axamad waxaa uu leeyahay aragti fog oo ah in la dhiso ciidamo badeed ee xoog badan kuwasoo ku hubeysan qalabka casriga ah.

Burhanu ayaa sheegey in dalka Itoobiya yahay wadan weyn islamarkaana leh ciidamada ugu xooga badan Africa, sidaas daraateed Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu keeney qorshe lagu dhiso ciidamada Badda dalkaan.

” Anagoo og in dalka Itoobiya uusan laheyn Badd, lakiin waxaan aad ugu dhownahay baddda Cas iyo Badweynta Hindiya. Hadda waxaan markhaati ka nahay in dalal badan muujinayaan rabitaankooda iney ciidamo badeed ka dhisaan Somalia sida Jabuuti, Eritrea iyo Puntland, marka anaga maxaa diidaya anagoo 60KM u jirna badaha Soomaaliya.” ayuu yiri General Burhanu

Madaama dalka Itoobiya badeecadaha kala soo dago Badda Cas ma jirto sabab diideysa in aan dhisano ciidamo badeed ayuu ku darey hadalkiisa General Burhanu.

” Waxaan la tashaneynaa dalal kale sidii aan ciidamadeena Badda u dhisi laheyn kuwaasoo Wadamada maamula ciidamada badda ee ku sugan badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waa qorshe Istraatiiji ah iney Itoobiya sameysato ciidamo badeed.” 

Taliyaha ayaa sheegey in Itoobiya awood u yeelaneyso iney iska difaacdo weerar dibada kaga yimaada hadii la raaco qorshaha RW Abiy.

” In aan ciidamo Badd geyno badaha nagu dhow waxaa kor u kaceysa saameynta aan leenahay. Wadamo badan ayaa ka imaanaya meelo fog oo saameyn ku leh badaha nagu dhow. Waxaan nahay wadan weyn oo dadkiisu gaarayo 100 million ma jirto sabab aan u sii ahaano wadan aan Badd laheyn.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya.

Dalka Itoobiya waxaa daris la yahay dalka Soomaaliya oo bur-bur dowdadeed ku dhacey muddo 27 laga joogo hadda. Soomaaliya ayaa waxay kamid tahay dalalka ugu xeebta dheer Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadda booqasho ku jooga dalka Itoobiya ayaa dhowaan heshiis aan tafaasiil badan laga bixin la saxiixdey RW Abiy, heshiiskaan ayaa dalka Itoibiya siinaya awood ay ku isticmaasho dakadaha Soomaaliya.  

Dalka Itoobiya ayaan ciidamo badeed yeelan tan iyo 1991 xiligaas oo Dalka Eritrea gooni isu taag ku dhawaaqey.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya oo la hadlay wakaalada wararka.

 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM