Jabuuti oo ku biirtay dalalka Geeska Afrika ee dayax gacmeed u diray Hawada Sare

Image

JABBUUTI (GO) - Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta ku guuleysatay inay hawada sare u dirto dayax-gacmeedkii ugu horreeyay iyadoo ku biirtay dalalka Geeska ee horey hawada dayax-gacmeedka ugu diray. Waxaa lagu magacaabaa dayax-gacmeedkeeda "Jabuuti 1A".

Dayax-gacmeedkan ayaa lala kaashaday Xarunta Spatial Universitaire de Montpellier (CSUM) ee laga Faransiiska. Waxaana naqshdeeyay injineero iyo farsamoyaqaanno Jabuutiyaan ah kuwaas oo Dayax-gacmeedka ku tijaabiyay dalka Faransiiska.

Mashruuca ayaa ujeedadiisu ahayd in la sameeyo dayax gacmeed ay leeyihiin dadka reer Jabbuuti oo aan dibadda laga sooo iibsan sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Sare ee Jabbuuti Nabiil Maxamed Axmed.

Dayax gacmeedku wuxuu bixin doonaa xogta xaaladaha dhulgariirka & Cimilada, taasoo u ogolaanaysa Mas’uuliinta inay qaataan go'aamo xog ogaal ah oo khuseeya beeraha iyo isbeddelada deegaanka ee dalka oo dhan.

Dayax-gacmeedka, Djibouti 1A, ayaa laga diray Saldhigga Ciidanka Cirka ee Vandenberg, Waxa uuna ka gudbay dhamaan tijaabooyinka la marsiiyay.

Mashruucan ayaa lagu tilamaamay in uu muujinayo awoodda wadamada Afrika ay u leeyihiin in ay samaysataan oo ay diraan dayax-gacmeedka, taas oo Cabbir laga qaadan karo horumarka ay ka gaareen dhanka tignoolajiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM