"Qaniinyo diblumaasiyadeed" oo dhexmartey Jarmalka iyo Chad

Image
Xiriirka labada dal ayaa soo taabtey sagxadda xilli laga cabsi qabo dhacdooyin kale oo aargudasho ah.

NAIROBI, Kenya - Safiirka Chad u fadhiyay Jarmalka ayaa dalkaas looga eryay tallaabo aargudasho ah oo ay qaaday Berlin ka dib markii dalka Afrikada dhexe uu boor-sooyinkiisa usoo xir-xiray danjirihii waddanka ku yaalla Yurub.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey Talaadadii ku sheegtay in Mariam Ali Moussa ay dalkaas uga baxdo muddo 48-saac gudaheeda ah.

"Waan ka xunahay in ay timaaddo arrintan," ayaa lagu yiri bayaan kooban oo lagu daabacay ciwaanka barta Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka.

Danjirihii Jarmalka u fadhiyay Chad, Jan-Christian Gordon Kricke, ayaa Sabtidii lasoo dhaafay dhaaftay waxa uu kasoo dhoofay dalkaas ka dib markii ay dawladda milateriga ahi eriday.

Chad ayaa ku amartay Mr Kricke inuu dalka ka baxo sababo ku aadan wax ay ku tilmaamtey "dabeecad xumadiisa" iyo "ixtiraam la'aanta caadooyinka dublamaasiyadeed".

War kooban oo kasoo baxay dowladda Chad ayaan faah faahin dheeraad ah laga bixin sababta loo beegsaday. Balse, safiirka wuxuu aad u dhaleeceeyay dowladda militariga uu hoggaamiyo ee xukunka heysay tan iyo Abriil 2021.

Mas’uuliyiinta Jarmalka oo aad uga caroodey talaabadda ayaa waxay carabka ku adkeeyeen in Chad aysan si rasmi ah u caddeyn sababaha rasmiga ah ee loo eryay safiirka.

"Ambassador Kricke wuxuu waajibaadkiisa u gutay si ku dayasho mudan, wuxuuna ka shaqeeyay xuquuqda aadanaha iyo in si degdegga ah xukunka loogu wareejiyo dowlad rayid ah," ayay tiri wasaaradda Jarmalka.

Gen Mahamat Idriss Déby Itno, oo xukunka la wareegay kadib geeridii aabihiis Idriss Déby Itno 2021, waa hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Chad waxa loogu talagalay in uu noqdo 18 bilood.

Doorasho la qorsheeyay 2022-dii ayaa dib u dhac ku yimid bishii Oktoobar, taasoo keentay mudaaharaad dadweyne. Dowladda militariga ee Chad waxay hadda qorsheyneysaa inay qabato doorashada madaxtinimo ee sanadka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM