Kenya oo askar looga diray weerar loo adeegsaday qarax miino

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen weerarkan.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan labo askari ayaa ku geeriyootey saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen lagu dhuftay walxaha qarxa xilli uu marayay wadada isku xirta Gaarisa iyo Dhadhaab.

Askarta ayaa ka soo baxay Saldhigga Booliska ee Dhadhaab. Weerarka ayaa waxa uu ku qabsadey aagga Hagarbul, iyagoo ku sii jeeday Magaalada Gaarisa.

Isagoo xaqiijinaya dhacdada 11-kii subaxnimo, taliyaha booliiska degmada Gaarisa Thomas Ngeiywa ayaa sheegay in xafiiskiisu uusan wali ogaan tirada guud ee dhaawacyada.

14-kii Febraayo, saddex askari oo booliis ah oo ka tirsanaa Unugga Ilaalada Xuduudaha (BPU) ayaa lagu dilay isla waddadan kadib markii uu qarax ku xiray gaari ay wateen.

Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhex mushaaxayaan hareeraha waddooyinka waaweyn ee lagu aasayo walxaha qarxa.

Magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa weli ka taagan cabsi xoogan oo ku aadan weeraro Al-Shabaab ay ka geystaan ​​gudaha dalka Kenya.

6-dii Febraayo, koox amni oo ka kooban hay'ado badan ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday koox saddex ah oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ku aasayay qarax miino wadada Sedahgose-Amuma ee Gobolka Faafi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM