Kenya oo baareysa shilka diyaaradeed ee madaarka Ceelwaaq

Image
Xarunta hay'adda maamulka duulista Kenya. [File photo: KCAA]

NAIROBI, Kenya - Maamulka Duulista Hawada Kenya ayaa sheegay Arbacadii in ay bilaabeen baaritaano la xiriira diyaarad ku dhacday meel xero militari oo ku taal koonfurta Soomaaliya oo ay saarnaayeen 45 rakaab ah.

"Waxay u dhoweyd xadka Kenya iyo Soomaaliya garoonka diyaaradaha ee Ceelwaaq waana baareynaa. Ma jiro wax dhaawac ah oo la soo sheegay illaa iyo hadda," ayuu yiri agaasimaha guud ee Hay'adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe oo khadka taleefanka kula hadlay wakaaladda wararkaXinhua.

Kibe ayaa xaqiijiyay dhacdada ay ku lug lahayd diyaaradda Skyward Express wuxuuna intaas ku daray in baaritaano lagu sameyn doono sida ay shilkaasi u dhacday.

Saraakiisha maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaradda ay ku degtay xerada ciidamada ee Burahache, Ceelwaaq, gobolka Gedo ee Soomaaliya, taas oo dhowr kiilomitir u jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Diyaaradda ayaa ka soo ambabaxday garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxayna ku sii jeeday magaalada Mandheera ee waqooyi bari Kenya subaxnimadii Arbacada markii ay dhacdadu dhacday.

Deegaanka Gedo waxaa gacanta ku haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) inkasta oo kooxda xagjirka ah, Al-Shaabab, ay mararka qaar weeraro argagixiso ka fuliso gobolka.

Madaarka diyaaradaha Ceelwaaq ayaa waqti xaadirkan mid aanan shaqeynin, waxaana laba sano kahor u xiray ciidamadda difaaca Kenya sababo la xiriira walaac dhanka nabad-gelyada ah. Ma cadda sababta diyaarada ugu degtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM