Kenya oo baareysa shilka diyaaradeed ee madaarka Ceelwaaq

Image
Xarunta hay'adda maamulka duulista Kenya. [File photo: KCAA]

NAIROBI, Kenya - Maamulka Duulista Hawada Kenya ayaa sheegay Arbacadii in ay bilaabeen baaritaano la xiriira diyaarad ku dhacday meel xero militari oo ku taal koonfurta Soomaaliya oo ay saarnaayeen 45 rakaab ah.

"Waxay u dhoweyd xadka Kenya iyo Soomaaliya garoonka diyaaradaha ee Ceelwaaq waana baareynaa. Ma jiro wax dhaawac ah oo la soo sheegay illaa iyo hadda," ayuu yiri agaasimaha guud ee Hay'adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe oo khadka taleefanka kula hadlay wakaaladda wararkaXinhua.

Kibe ayaa xaqiijiyay dhacdada ay ku lug lahayd diyaaradda Skyward Express wuxuuna intaas ku daray in baaritaano lagu sameyn doono sida ay shilkaasi u dhacday.

Saraakiisha maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaradda ay ku degtay xerada ciidamada ee Burahache, Ceelwaaq, gobolka Gedo ee Soomaaliya, taas oo dhowr kiilomitir u jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Diyaaradda ayaa ka soo ambabaxday garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxayna ku sii jeeday magaalada Mandheera ee waqooyi bari Kenya subaxnimadii Arbacada markii ay dhacdadu dhacday.

Deegaanka Gedo waxaa gacanta ku haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) inkasta oo kooxda xagjirka ah, Al-Shaabab, ay mararka qaar weeraro argagixiso ka fuliso gobolka.

Madaarka diyaaradaha Ceelwaaq ayaa waqti xaadirkan mid aanan shaqeynin, waxaana laba sano kahor u xiray ciidamadda difaaca Kenya sababo la xiriira walaac dhanka nabad-gelyada ah. Ma cadda sababta diyaarada ugu degtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM