Kenya oo sheegtay in ay khaarajisay 15 dagaalyahan

Image
Saraakiisha amaanka ayaa intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay xuduud la wadaagto Soomaaliya ku dishay xubno ka tirsan Al Shabaab ka dib howlgal ay fuliyeen ciidanka booliska iyada oo kooxdu maalmihii la soo dhaafay ay kordhisay weerarada dhanka ah dalkaan dhaca bariga Afrika.

Saraakiil u hadashay Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu weerar ku qaadeen halka loo yanaano Bodhei oo ka tirsan kaynta Boni.

Booliska ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay maalmihii u dmabeeyey ku raadjoogeen xubnahaasi oo lagu eedeeyey ina y geyteen weerar lagu dilay illaa 6 qof oo ka dhacay gobolka Xeebta ee Laamu.

Saraakiisha amaanka ayaa intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay kooxda ka geysato Waqooyi Bari.

Al Shabaab dhankeeda kama aysan hadlin weerarkaan si ay u beeniso ama u qirato in la qaariyay 15 xubnood oo ka tirsan dagaalyahanooda.

Xaaladda ammaan ee gobolka Waqooyi Bari ayaa beryihii dambe aheyd mid aad u liidata, waxaana ka dhacay weeraro qorsheysan oo lagu dilay dhowr qof.

Al-Shabaab ayaa tan markii la galay sanadkan cusub ee 2022 kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahana deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM