Kenya: Tobban askari oo ku naf-weyday shil diyaaradeed

Image

NAIROBI, Kenya - Toban ka tirsan ciidamada cirka Kenya ayaa dhintay halka 13 kale ay soo gaareen dhaawacyo markii diyaarad militari oo ay la socdeen ay ku burburtey iyaddoo kusoo degayesa Oltepesi, Kajiado West.

Askarta dhimatay ayaa tababar u socodey. Waaxda difaaca Kenya waxay tibaaxdey in ay murugada la wadaageyso qoysaska saskarta ku naf-weyday dhacdadaas.

Sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay afhayeenka Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) Zipporah Kioko, shilka diyaaradeed ee Mi 171E ayaa soo degay abaaro 9-kii subaxnimo ee Khamiista.

Col Kioko ayaa intaas ku daray in dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaalka ciidamada difaaca ee Memorial ee magaalada Nairobi, isaga oo intaas ku daray in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwa aad u liidato.

Afhayeenka ayaa wuxuu hoosta ka xariqay in baarayaasha shilalka diyaaradaha ay gaareen goobta si ay u cadeeyaan sababta shilka oo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan sababaha dhabta ah ee dhabaha u xaarey.

Ku xigeenka Gudoomiyaha Galbeedka, Kajiado Muranga Morakwa oo u waramay warbaahinta maxaliga ah, ayaa wuxuu daaha ka rogay in askarta KDF-ta ay mudo dheer ku tababaranayeen aagaasi.

Burburka kahor, helicopter-ka ayaa hawada ku meeraysanayay in ka badan 20 daqiiqo iyadoo kuwii saarnaa ay isku dayayeen inay boodaan. Hase ahaatee, waxay ku guuldareysteen in ay ka badbaadaan dhacdadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM