Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalka Sudan oo la shaaciyey

Image
Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa tibaaxay in dadka geeriyoodey ay ku jiraan askar ka kala tirsan labada dhinac.

KHARTUUM, Suudaan - Dhawaqa rasaasta qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo madaafiicda culus ayaa maalintii labaad waxaa laga maqlayaa guud ahaan magaalada caasimadda u ah waddanka Suudaan ee Khartuum.

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta Suudaan ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 56 qof oo rayid ah lagu dilay dagaal u dhexeeya ciidamada iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalka ayaa yimid iyadoo Mareykanka, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay ugu baaqeen dhinacyada iska soo horjeeda "in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda shuruud la'aan".

Goob-joogeyaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen guriyo ay degan yihiin dad shacab ah ayna ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Sida laga soo xigtey Ururka Dhakhaatiirta Suudaan, 595 qof kale oo ay ku jiraan dagaalyahanno ay ku jiraanna ay ku dhaawacmeen dagaalka u dhexeeya milatariga iyo ciidamada gurmadka degdega ah (RSF).

Labada dhinac ayaa ku loolamayay awoodda dalka iyadoo kooxaha siyaasadda ay ka gorgortameen sidii loo dhisi lahaa dowlad ku meel gaar ah ka dib afgambi militari oo dhacay 2021-ka.

Ciidamada milateriga waxaa madaxda u ah General Abdel Fattah al-Burhaan halka xoogaga hubeysan ee RSF oo uu hogaamiyo Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo. Labada nin waxay wada rideen nidaamka Al-Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM