Koonfur Afrika oo loogu baaqay in ay xabsi u taxaabto Vladimir Putin

Image
Hoggaamiyaha Ruushka ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shir madaxeedka BRICS ee dhacaya bisha August.

CAPE TOWN, South Africa - Hogaamiyaha Isbahaysiga Dimuqraadiga ah ee Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay madaxweyne Cyril Ramaphosa inuu xiro hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin hadii uu cag soo dhigo dalkaas.

"Waxaan u maleynayaa in madaxweyne kasta oo mas'uul ah uu kula talin lahaa Putin, iyadoo la siinayo amarka xiritaanka ee ICC, waa in uusan iman," ayuu yiri John Steenhuisen.

Wuxuu ku daray: "Laakiin haddii uu yimaado, waxaan u maleynayaa in Koonfur Afrika ay ku qasban tahay - haddii ay tahay sharciga iyo (haddii aad) ku maamusho mabaadi'da dastuuriga ah - waxaa kugu waajib ah inaad fuliso amarka xiritaanka".

March 18, 2023, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo uu ka geystay duullaanka joogtada ah ee Ruushku ku hayo Ukraine.

Iyadoo Koonfur Afrika ay tahay midda saxiixday heshiiskii Rome, Mr Steenhuisen wuxuu sheegay in waddanku uu waajib sharci ah ka saaran yahay inuu la shaqeeyo ICC oo uu gacan ka geysto in madaxweyne Putin la xiro marka uu ka soo dagayo Koonfur Afrika.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shir madaxeedka BRICS (Brazil, Russia, India, China, South Africa) ee ka dhacaya Koonfur Afrika bisha August, sida uu xaqiijiyay wasiirka xiriirka caalamiga ah Naledi Pandor.

Si kastaba ha ahaatee, Waaxda Xiriirka Caalamiga ah ee Koonfur Afrika iyo Madaxweyne Ramaphosa ayaa sugaya talo sharci oo ku saabsan maaraynta safarka Putin ee Koonfur Afrika taasoo dalkan gelisay xaalad khatar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM