Ku dhowaad 60 qof tahriibayaal ah oo ku dhintay doon rogmatay

Image
Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka baxaan muhaajiriinta caalamka oo dhan.

LONDON, UK - In ka badan 60 qof tahriibayaal ah ayaa la rumeysan yahay inay ku qaraqmeen doon ku degtay xeebaha dalka Liibiya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Iyadoo soo xiganeysa dad badbaaday, hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Sabtidii in doontan oo ka baxday magaalada Zuwara oo ay saarnaayeen ku dhawaad ​​86 ruux.

UN-ka ayaa intaas ku daray in mowjado aad u sarreeya ay ku dhufteen doonta, waxaana la la’yahay 61 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan carruur, waxaana loo malaynayaa inay dhinteen.

Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka baxaan muhaajiriinta isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka oo ay galaan qaaradda Yurub.

Hay’adda IOM ayaa ku qiyaastay in in ka badan 2,200 oo qof ay ku qaraqmeen iyagoo isku dayaya in ay ka gudbaan sanadkan oo kaliya, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah waddooyinka ugu halista badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM

Xiisadda Geeska Afrika oo cirka isku shareertay, Midowga Afrika oo war kasoo saaray

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hababka diblomaasiyadeed.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:00AM