Ku dhowaad 60 qof tahriibayaal ah oo ku dhintay doon rogmatay

Image
Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka baxaan muhaajiriinta caalamka oo dhan.

LONDON, UK - In ka badan 60 qof tahriibayaal ah ayaa la rumeysan yahay inay ku qaraqmeen doon ku degtay xeebaha dalka Liibiya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Iyadoo soo xiganeysa dad badbaaday, hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Sabtidii in doontan oo ka baxday magaalada Zuwara oo ay saarnaayeen ku dhawaad ​​86 ruux.

UN-ka ayaa intaas ku daray in mowjado aad u sarreeya ay ku dhufteen doonta, waxaana la la’yahay 61 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan carruur, waxaana loo malaynayaa inay dhinteen.

Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka baxaan muhaajiriinta isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka oo ay galaan qaaradda Yurub.

Hay’adda IOM ayaa ku qiyaastay in in ka badan 2,200 oo qof ay ku qaraqmeen iyagoo isku dayaya in ay ka gudbaan sanadkan oo kaliya, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah waddooyinka ugu halista badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM