Madaxwayne musaafuris ku maqan oo la beeniyay in lasoo xirayo

Image
69-jirkan ayaa "shirqool siyaasadeed" ku tilmaamay eed loo jeediyay oo ah "in uu haysto hub sharci darro ah".

CAPE TOWN, South Africa - Wasiirka arrimaha dibadda Botswana, Lamagang Kwape, ayaa beeniyay in uu jiro amar lagu soo xirayo madaxweynihii hore ee dalkaas Ian Khama, kaas oo musaafuris ahaan ugu nool dalka Koonfur Afrika.

Ka dib markii ay arrintan ku cadaadisay Sophie Ikenye oo ka tirsan barnaamijka Focus on Africa prgramme ee BBC, waxa uu yiri: "Waa in aanu la xiriirno wasaaradda caddaaladda si aanu u ogaano xaaladda waaran xadhig kasta, haddii uu jiro."

Bishii Disembar, waxaa si weyn loo hadal hayay in maxkamad ku taal Botswana ay soo saartay amar lagu soo xirayo Mr Khama oo lagu eedeeyay inuu haystay hub sharci-darro ah.

Hogaamiyihii hore ee 69-jirka ah ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu sheegay in ay qeyb ka ahaayeen shirqool siyaasadeed ka dib markii ay isku dhaceen madaxweynihii isaga bedelay Mokgweetsi Masisi.

Mr Khama ayaa xafiiska ka tagay 2018 ka dib labo muddo xileed oo shan sano ah. Kwape oo la hadlay BBC-da ayaa ka qeyb galay shir dhawaan magaalada London ay ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Barwaaqo-sooranka.

Waxa kale oo uu BBC-da u sheegay in dalku uu dib uga gorgortamayo qandaraasyada iyo shatiyada warshadaha dheemanka oo kamid ah waxyaabaha uu caanka ku yahay waddankan.

Waxa uu intaasi ku daray in Botswana looga baahan yahay inay si weyn uga qayb-gasho silsiladda qiimaha leh si ay uga faa’iidaysato dheemanka, gaar ahaan dhinaca wax-soo-saarka.

"Dalka ayaa wuxuu leeyahay awood xirfad badan oo loo isticmaali karo in wax badan laga helo alaabta ceeriin," ayuu kusoo koobay hadalkiisa. Dhawaqiisa wuxuu soo afjarayaa walwal badan oo ay qabeen taageereyaasha madaxwayne hore Ian Khama.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM