Madaxweynaha dalka Jabuuti Iyo Eritrea oo markii ugu horeysay kulmay

Image

JEDAH - Hogaamiyaasha dalalka Eritrea iyo Jabuuti ayaa ku kulmay magaalada Jeddah ee caasimadda dalka Sacuudiya, halkaasoo siyaabo kala duwan ay ku gaareen maalmihii lasoo dhaafey.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Isaias Afwerki ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaasoo looga hadlay sidii loo dhaqan-gelin lahaa qodobadda kasoo baxay heshiis ay dhowaan kala saxiixdeen labada dal.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in hogaamiyaasha ay isla meel-dhigeen sidii dhowaan looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan soo celinta cilaaqaadkaa labadda dal.
 
Yuusuf ayaa rajo fiican ka muujiyey in xiriirka Jabuuti iyo Eritrea uu mar dhow kusoo noqdo si caadi ah, iyo in horey looga socdo dhamaan arrimaha keenay colaada gaamurtay ee labada dowladood dhex-tiilay.
 
"Jabuuti waxay diyaar u tahay inay bog cusub la qorto Eritrea iyadda oo la eegayo danaha labadda Shacab," ayuu Wasiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka.
 
Jabuuti iyo Eritrea ayaa ku muransanaa dhul ku yaala Sohdinta ay wadaagaan labadda dal, taasoo dhalisay dagaalo ay ku dhinteen dad badan, halka kuwa kalena lagu la' yahay.
 
Kulanka Geelle iyo Isaias Afwerki ayaa imaanaya dhinaca kale xilli boqorka dalka Sucuudiga ku sameeyey munaasabad dalka Itoobiya iyo Eritrea heshiis ku saxiixdeen kaasoo aan laga martiqaadin Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu qayb ka ahaa kulamada la isugu soo dhoweeynayey Sadexdaan wadan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM