Madaxweynaha Ethiopia oo is-casilaya iyo Baarlamaanka oo ka shiraya

Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha dalka Ethiopia, Dr. Mulatu Teshome ayaa la filayaa in maalinta berri ay uu warqadiisa ais-casilaadda uu gudbiyo Baarlamaanka dalkaasi.

Kulanka gaar ah oo labada aqalka ee Baarlamaanka maalinta berri ah ku yeelan doona xaruntooda Addis Ababa ayay ku dooran doonaan Madaxweyne cusub, sida ay baahaisay Wakaaladda wararka ee FANA.

FANA ayaa sheegtay in Gollaha Sharci dejinta ay aqbali doonaan is-casilaadda Dr. Mulatu Teshome iyo go'aanka uu shaqada uga tagayo. Lama shaacin sababta Madaxweynaha xilka uga degayo.

Dr. Mulatu, oo 63 sano jir ah ayaa Madaxweyne ahaa tan iyo 7-dii October, 2013, waxaana uu ku dhashay gobolka dhanka Galbeed ee Ethiopia ku yaalla ee Wollega, oo dadka Oromada degan yihiin.

Waxaa Eithiopia Ra'iisul Wasaare ka ah Abiy Axmed, oo isna kasoo jeeda qowmiyadda Oromad, kaasoo xilka loo doortey bishii April ee sanadkan kadib markii uu is-casilay Hailemariam Desalegn Febuary 2018.

GROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM