Madaxweynaha Ethiopia oo is-casilaya iyo Baarlamaanka oo ka shiraya

Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha dalka Ethiopia, Dr. Mulatu Teshome ayaa la filayaa in maalinta berri ay uu warqadiisa ais-casilaadda uu gudbiyo Baarlamaanka dalkaasi.

Kulanka gaar ah oo labada aqalka ee Baarlamaanka maalinta berri ah ku yeelan doona xaruntooda Addis Ababa ayay ku dooran doonaan Madaxweyne cusub, sida ay baahaisay Wakaaladda wararka ee FANA.

FANA ayaa sheegtay in Gollaha Sharci dejinta ay aqbali doonaan is-casilaadda Dr. Mulatu Teshome iyo go'aanka uu shaqada uga tagayo. Lama shaacin sababta Madaxweynaha xilka uga degayo.

Dr. Mulatu, oo 63 sano jir ah ayaa Madaxweyne ahaa tan iyo 7-dii October, 2013, waxaana uu ku dhashay gobolka dhanka Galbeed ee Ethiopia ku yaalla ee Wollega, oo dadka Oromada degan yihiin.

Waxaa Eithiopia Ra'iisul Wasaare ka ah Abiy Axmed, oo isna kasoo jeeda qowmiyadda Oromad, kaasoo xilka loo doortey bishii April ee sanadkan kadib markii uu is-casilay Hailemariam Desalegn Febuary 2018.

GROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM