Madaxweynaha Madagascar oo ka badbaadey isku day dil

Image
Andry Rajoelina ayaa xafiiska jooga tan iyo sanadkii 2019 waqtigaas oo uu ku adkaadey doorasho lagu murmay. [Photo: MSH]

ANTANANARIVO, Madagascar - Madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, ayaa ka badbaadey isku-day dil, sida ay wakaaladda wararka AFP kasoo xigtay dacwad-oogeyaasha dalkan jasiirada ah ee ku yaala Badweynta Hindiya, qiyaastii 400 kiiloomitirna  u jira xeebta Bariga Afrika.

Xeer ilaaliyaha guud, Berthine Razafiarivony, ayaa sheegay Khamiista maanta ah in shaqsiyaad isugu jira ajaaniib iyo dadyow kale loo qabtay Talaadadii. Xarigan wuxuu qeyb ka yahay baaritaanka "weerar la doonayey in lagu khaarijiyo Rajoelina". 

Razafiarivony, oo la hadlaya wariyeyaasha, ayaa sidoo kale tibaaxay in qorshaha la fashiliyey ay qeyb ka ah dilka shaqsiyaad haya xilal siyaasadeed isla markaana kaliya uusan ku koobneyn madaxweynaha.

Ma jirto shaacin rasmi ah oo ku saabsan dhalashada tuhmanayaasha ajnabiga ah. Baaxadda uu qorshuhu lahaa, ama illaa heerka uu gaarsiisan yahay, ayaanan si dhakhso ah loo caddayn.

Intii lagu guda jiray dabaaldegii maalinta xorriyadda dalka ee 26-kii Juun, Madagascar ayaa si lamid ah shaacisay inay fashilisay isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo General Richard Ravalomanana, oo sidoo kale ah gacanta midig ee Rajoelina.

Rajoelina waxaa loo dhaariyay madaxtinimada jasiiradda Badweynta Hindiya sanadkii 2019 kadib doorasho adag oo ay hareeyeen eedeymo musuqmaasuq iyaddoo maxkamad dastuuri ah ay laashay sheegashooyinkaas oo ka yimid mucaaradka.

44-jirkan ayaa markii ugu horeysay xukunka la wareegay bishii Maarso ee sanadkii 2009-kii isagoo taageero ka helaya militariga wuxuuna noqdey madaxweynaha dowlad kumeel gaar ah ilaa 2014.

Qaranka uu soo gumeystay Faransiiska ayaa leh taariikh aad u qoto dheer oo ku saabsan inqilaabyo iyo qalalaase tan iyo markii uu xornimada ka qaatay France sanadkii 1960.

Jasiiradda ayaa caalamka looga garan-og-yahay duurjoogta iyo dalxiiska gaarka u ah ah laakiin waxay aad ugu tiirsan tahay kaalmada shisheeye. 10-kii qof sagaal ayaa ku nool wax kayar $2 maalintii. Covid-19 ayaa si daran u kala xiray dalka, koonfurtana waxaa la jirta macquul aad u xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM