Madaxii degaanka Oromada oo loo magacaabay wasiirka difaaca

Image

ADDIS ABABA - Baarlamanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay saddex Wasiir oo uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed soo magacaabey, kuwaasoo uu ku jiro Madaxweynihii dowlad degaanka Oromiya, Lemma Megresa.

Lemma Megresa ayaa loo magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga dalka Itoobiya, iyadoo xilkaasi laga qaadey Aisha Mohammed oo kasoo jeeda gobolka Anfarta, taasoo xafiiska joogtay tan iyo sanadkii tagey.

Aisha Mohammed waxaa hadda laga dhigay wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha.

Xilka wasiirka arrimaha dibadda waxaa loo magacaabey siyaasi lagu magacaabo Gedu Andargachew, oo kasoo jeeda gobolka Amxaaradda.

Abiy Axmed, oo isna kasoo jeeda gobolka Oromiya ayaa noqday Ra'iisul Wasaaraha dalkan ugu shacabka badan Geeska Africa bishii April ee 2018, kadib markii si kedis ah isku casilay Hailemariam Desalegn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM