Maleyshiyaad khaarijiyey 17 qof oo ay kala dageen gaari ay la socdeen

Image
Dadkan oo dhamaantooda ahaa shacab ayaa waxaa ay ku kala safrayeen illaa iyo afar baabuur.

NAIROBI, Kenya - Maleeshiyo ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa dilay 17 qof oo ay afduubteen, sida ay sheegtay idaacad ay taageerto Qaramada Midoobay Axaddii.

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaligaa h ee Radio Okapi, maleeshiyaad ka tirsan Iskaashatooyinka Horumarinta Kongo (CODECO) ayaa 17 qof ku dilay deegaanka Djugu.

Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay ku socdaalayeen afar gaari ayna kusii jeedeen magaalada Mungwalu ee gobolka Ituri ka hor inta aan la afduubin.

Dadkan ayaa la wariyey in la qafaashay ka gadaal markii saddex xubnood oo ka tirsan CODECO lagu dilay iska horimaad dhexmaray maleeshiyo iska soo horjeeda.

Dhinaca kale, hawlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Uganda iyo Kongo ayaa lagu dilay 20 ka tirsan fallaagada Allied Democratic Forces (ADF) ee bariga DR Congo, sidda uu qoray Daily Monitor.

Jabhadda ADF ayaa lagu aas-aasay gudaha Uganda sagaashamaadkii, waxayna ujeedadu ahayd inay xukunka ka tuuraan hogaamiyaha xukunka dheer ee Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.

Laakin ka dib markii fallaagada ay ka awood roonaadeen ciidamada, waxay u carareen kaymaha ku yaal bariga DR Congo halkaas oo ay si joogto ah u weeraraan tuulooyinka, iyagoo geysta dil iyo dhac.

Ciidamada Uganda iyo kuwa Congo ayaa bilaabay howlgal ka dhan ah falaagadan bishii December 2021 waxayna dileen boqolaal ka tirsan jabhadda. Howlgalka wuxuu u muuqdaa mid rajo badan abuuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM