Maqaamkii Israa'iil laga siiyey Midowga Afrika oo la burburinayo

Image
Shirkan ayaa la qorsheeyay 2-da iyo 3-da bisha Febraayo, waxaana martigelin doona Wasiirada Arrimaha Dibadda

ADDIS ABABA, Ethiopia – Wasiirka arrimaha dibadda ee Aljeeriya Ramtane Lamamra ayaa lagu soo waramayaa inuu hormuud ka yahay mooshin lagu burinayo go'aankii uu gaaray guddiga Midowga Afrika ee ahaa in Israa'iil la siiyo maqaamka goobjoogenimo ee ururka Midowga Afrika.

Dublamaasigaan oo 69 jir ah ayaa soo gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa si uu uga qaybgalo Kalfadhiga 40-aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Shirkan ayaa la qorsheeyay 2-da iyo 3-da bisha Febraayo, waxaana martigelin doona Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka oo ay Soomaaliya ka midtahay.

Codbixin ku saabsan in Israa'iil lagala noqdo maqaamka goobjoogenimo ee Midowga Afrika ayaa la sheegay in uu ku jiro "ajandaha ugu sarreeya" ee shir madaxeedka. Waddamada waaweyn ee Afrika gaar ahaan Waqooyiga Afrika, ayaa ku biiray dadaallada lagu doonayo in lagala noqdo xubinnimada Israel.

Toddobaadkii hore, dhaqdhaqaaqa iska caabinta Xamaas ee Falastiin ayaa muujiyay mahadnaq qoto dheer oo ay u hayaan Algeria dadaalkeeda ay ku doonayso in Israa’iil lagala noqdo maqaamka goobjoogayaasha Midowga Afrika.

"Xamas waxay si dhow ula socotay diyaargarowga shir madaxeedka Afrika ee dhowaan ka dhacaya caasimadda Itoobiya, iyo guusha dadaalka ay dowladda walaalaha ah ee Aljeeriya ku doonayso inay Israa'iil ka saarto Midowga Afrika ajandaha kulanka," ayuu yiri afhayeenka Xamaas Sami Abu.

Waxa uu xusay in jagadan oo kale ay si weyn ugu mahadcelinayaan qaranka Falastiin, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa sharafta Aljeeriya.

Mas’uulkan ka tirsan Xamaas ayaa ugu baaqay dalalka Carabta iyo Afrika in ay dhabarka u ritaan dadaallada Aljeeriya ee arrintan la xiriira oo ay u fidiyaan iskaashi ballaaran si loogu guuleysto dalabkooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in mowqifka Aljeeriya uu yahay "mid cad oo ka tarjumaysa ruuxa dunida Carabta iyo mabaadii'da qaaradda Afrika," isagoo ku nuux-nuux saday "Dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika waa in ay si wadajir ah u dalbadaan in maamulka Israel laga saaro ururka."

Abu Zuhri waxa uu hoosta ka xariiqay in kormeerayaasha Israel ee Midowga Afrika "ay ka soo horjeedaan mabaadi'da Afrika iyo dhaxalkeeda taariikheed ee la dagaallanka midab-takoorka, kaas oo taliska qabsaday uu u taagan yahay qaabkiisa ugu foosha xun."

22-kii bishii Luulyo ee sannadkii hore, Israa’iil waxay gudbisay warqad ay ku xaqiijinayso inay dib ugu mid noqoto Midowga Afrika goob-jooge ahaan, ka dib ku dhawaad ​​20 sano oo olole ay waday, taasoo soo jiidatay falcelino caro leh oo ka yimid taageerayaasha qadiyadda falastiiniyiinta oo kasoo horjeeda gumeysiga maamulka.

 Israa'iil waxay hore u haysay maqaamkii Ururka Midnimada Afrika ee ka horreeyay ilaa 2002, markaasoo ururka la burburiyay laguna beddelay AU.

Khubarada ayaa sheegaya in xaaladda goobjooge ee Israa’iil loo arko in ay qayb ka tahay ololaha joogtada ah ee maamulka Tel Aviv ee uu ku doonayo in uu caadi uga dhigo xiriirka Afrika.

Dhowr waddan oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan Botswana, Koonfur Afrika, Namibia, iyo Algeria, ayaa horay uga soo horjeestay aqoonsiga Israel.

Waxay sheegeen in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika aan lagala tashan go’aankaasna uu yahay mid liddi ku ah taageeridda hay’adda Falastiiniyiinta.

Luqadda Pro-Falastiin waxa sida caadiga ah lagu muujiyaa bayaannada laga bixiyo shirarka sannadlaha ah ee AU. Falastiin waxay hore u lahayd meeqaam goobjooge ah Midowga Afrika.

Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, koox ka kooban qareenno, cilmi-baarayaal iyo hawl-wadeenno caalami ah ayaa dacwad u gudbiyay Guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka, iyaga oo cambaareeyay go'aankii dhawaan Midowga Afrika uu Israa'iil ugu oggolaaday in ay noqoto goob-jooge ka mid ah urur-goboleedka, oo ay dalbadaan in lagala noqdo.

Xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ay gaysatay Israa’iil waa kuwo liddi ku ah niyadda iyo ujeeddada Axdiga Midowga Afrika, gaar ahaan la xidhiidha arrimaha aaya-ka-tashigooda iyo ka xoraynta iyada oo Israa’iil ay sii waddo inay si sharci-darro ah u qabsato Falastiin iyada oo xad-gudub ku ah waajibaadkeeda caalamiga ah iyo qaraaro badan oo Qaramada Midoobay ah. ,” ayaa lagu yiri dukumeentiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM

Mareykanka oo soo farageliyay colaadda ka taagan gudaha Itoobiya

Isku-dhacan ayaa u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada fano ee gobolka Amxaarada.

  • Afrika

    16-05-2024

  • 03:34AM