Mareykanka oo $300 milyan ugu deeqay dowladda Itoobiya

Image
Shaacintan ayaa timid kadib markii ay kulmeen ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo Xoghaye Blinken.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ayaa in ka badan 331 milyan oo doollar oo gargaar ugu deeqay Itoobiya.

Taakuladan ayaa waxaa loogu talagalay wax ka qabashadda arrimaha bini'aadantinimada ayaa la bixin doonaa sannad-maaliyadeedka 2023, sidda ku xusan war-saxaafadeed rasmi ah.

"Lacagtan ayaa gacan ka geysan doonta taageeridda dadka ay saameeyeen colaadaha, abaaraha, iyo cunto yarida dalka oo dhan," ayaa la raaciyey bayaankan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda

Mucaawinadan ayaa isugu jirta $12 milyan oo ay ka timid Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dadweynaha, Qaxootiga, iyo Socdaalka iyo in ka badan $319 milyan oo ay ka heshay USAID.

"Tani waxay ka dhigeysaa wadarta guud ee gargaarka bini'aadantinimo ee Mareykanka ee gobolka in ka badan $780 milyan sanad maaliyadeedka 2023," ayaa la raaciyey qoraalka.

Maaddaama uu yahay dalka ugu weyn ee Itoobiya ay ka heshay deeqaha bini'aadantinimada ugu weyn, Ameerikaanka ayaa doonaya in uu dib u soo celiyo saameyntiisa gobolka Geeska Afrika.

"Shaacintan ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay uga go’an tahay Maraykanka xoojinta iskaashiga Afrika, wuxuuna sii wadi doonaa taageeridashacabka Itoobiya ee la kulmaya caqabado kala duwan," ayaa lagu soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM