Mareykanka oo Shiinaha u jeediyay eed la xiriirta koox Soomaali ah

Image
Dhaleeceyntan ayaa ku saabsan isku-dayga "burcad-badeedka Soomaalida" ee afduubka markabka Yahuuda.

NAIROBI, Kenya - Isku dayga afduubka markab ganacsi oo marayay gacanka cadmeed maalintii Axada ayaa u muuqda mid ay ka danbeeyeen burcad badeed Soomaali ah oo hubaysan, sidda uu sheegay Mareykanka.

"Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha ugu horreeya ayaa ah in shantan qof ay yihiin Soomaali," ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder.

Ryder ayaa u sheegay warfidiyeenka in ciidamada badda ee Mareykanka ay rideen rasaas digniin ah markii ay kooxa weerarka soo qaaday ay isku dayayeen inay baxsadaan, balse ma jiraan wax dhaawac ah.

Waxa uu intaasi ku daray in deegaankaasi ay ku sugan yihiin saddex markab oo laga leeyahay dalka Shiinaha balse ay ka jawaabi waayeen codsiga uga yimid markabka.

Safaaradda Shiinaha ee Washington ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi faallo ah ama xiriir loola sameeyay si wax looga sheego sheegashada ama eedeynta Mareykanka.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in labo gantaal oo ballistic ah laga soo riday dhulka Xuutiyiinta ay maamulaan ee jihooyinka guud ee Mason iyo Central Park, balse waxay ku dhaceen meel 10 nautical miles u jirta maraakiibta.

"Nooma cadda cidda ay si sax ah u beegsanayeen," ayuu Ryder ku daray hadalkiisa isaga oo ula jeeday haddii gantaaladda lagu difaacayay falka ay sameeyeen burcad-badeeda.

Isku dayga afduubka markabkan laga leeyahay Yahuuda ayaa daba socday afduub ay Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ku qabsadeen markab xamuul oo xiriir la leh Israel, kaasoo marayay koonfurta badda cas todobaadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Ugu Yaraan Afar Qof oo Ku Dhintay Dibaydaxyo Ka Dhan Ah Sicir-bararka Shidaalka

Tani waxay ku qasabtay ardayda iyo shaqaalaha inay masaafo dheer u lugeeyaan iskuulada iyo goobaha shaqada.

  • Afrika

    19-05-2026

  • 12:12PM

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM