Maxaabiis uu ku jiro Cabdi Ilay oo ka cabanaya "cadaalad daro"

Image
Dowladda Itoobiya ayaan wali ka jawaabin hadal kasoo yeeray maxaabiistan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynihii hore ee Somali State, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa ku doodey in uusan dib dambe u hortagayn maxkamada maamuleysa kiiskiisa, sida ay warisay saxaafadda.

Sida ay ku warantey BBC-da, Cabdi iyo Soomaalida kale oo xukuumadda Abiy Axmed ay u xirtey eedeymo la xiriira "tacadiyo ay ka geysteen" dhulka Soomaali Galbeed ayaa ka cabanaya "cadaalad darro".

Cabdi ayaa, sida ay sheegayaan warbixinada, wuxuu u sheegay xeer-beegtada "in dadkii ay isku kiiska ahaayeen ama kiisaska loo haysto ay ka sii cusleyd la sii daayay balse maxabiista Soomaalida uu isagu ka mid yahay oo keli ah xabsiga lagu sii hayo, ayna jirin sabab Soomaalida oo keli ah xabsiga ay ugu sii jirayaan".

"Cabasho ay maxkamadda u gudbiyeen Cabdi iyo Maxaabiista la xiran waxay sheegeen in 17 maxbuus oo qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya ka soo jeedo la sii daayey," ayay raacisay warbixinta.

Dowladda Itoobiya ayaan wali ka jawaabin cabashadda maxaabiista uu hormuudka u yahay Cabdi. Isku-dayo xiriir oo ay sameeyeen qaar kamid ah warbaahinta ayaan guuleysan.

Talaadadia asbuucii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in maxaabiista la horgeeyay maxkamadda dacwaddooda gacanta ku haysay "balse dhammaantood wey diideen iney maxkamadda hortagaan," sida ku cad warbixinta.

Cabdi Ilay ayaa la xiray bishii August 2018-ka. Ciidamada amniga ee dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa Cabdi ka kaxeeyey gurigiisa oo ku yaallay magaalada caasimada u ah Itoobiya ee Addis Ababa.

Baarlamaanka deegaanka Soomaalida ayaa Cabdi Maxamuud Cumar xasaanaddii ka qaadeen 26-kii August 2018-ka kadib markii uu isku-dayey in uu ka hor-yimaado nidaamka Abiy kuna dhawaaqo gooni-u-goosad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM