Meydka "mataano" oo laga dhex-helay Wabi ku yaala Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in maanta oo Axad ah ay ka helayn meel ku dhow wabi ku yaala magaalada Nairobi meydka laba caruur oo ay rumeysan yihiin in ay mataano yihiin.

Mike Sonko, gudoomiyaha magaala madaxda Kenya, ayaa shaaciyey in ay u maleynayaan in falkaan uu la xiriiro Ilmo iska soo ridid, taasi oo mamnuuc ah wadanka Geeska Afrika ku yaala.

Mr Sonko oo shaaciyey in ay bilaabayaan baaris ku saabsan arrintaan ayaa faray hay’addaha amaanka in ay tagaan guud ahaan xarumaha caafimaadka ee ku dhow agagaarka halka uu wabiga ku yaallo.

"Baarista waxay socon doontaa muddo isbuuc ah, kadibna waxaan soo bandhigi doonaa natiijadda," ayuu hadalkiisu raaciyey, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga ah ee wadankaasi.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, goorta meydadka la helayay waxaa ay ku jireen bac, taasi oo xoojisay tuhun ku aadan in ay yihiin Ilmo la iska soo riday.

Sikastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo wabigaan laga helo meydadka, waxaase wehlisa in sideed ay laba kamida yihiin dad qaan-gaar ah meydadkooda laga soo saarey wabiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM