Meydka "mataano" oo laga dhex-helay Wabi ku yaala Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in maanta oo Axad ah ay ka helayn meel ku dhow wabi ku yaala magaalada Nairobi meydka laba caruur oo ay rumeysan yihiin in ay mataano yihiin.

Mike Sonko, gudoomiyaha magaala madaxda Kenya, ayaa shaaciyey in ay u maleynayaan in falkaan uu la xiriiro Ilmo iska soo ridid, taasi oo mamnuuc ah wadanka Geeska Afrika ku yaala.

Mr Sonko oo shaaciyey in ay bilaabayaan baaris ku saabsan arrintaan ayaa faray hay’addaha amaanka in ay tagaan guud ahaan xarumaha caafimaadka ee ku dhow agagaarka halka uu wabiga ku yaallo.

"Baarista waxay socon doontaa muddo isbuuc ah, kadibna waxaan soo bandhigi doonaa natiijadda," ayuu hadalkiisu raaciyey, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga ah ee wadankaasi.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, goorta meydadka la helayay waxaa ay ku jireen bac, taasi oo xoojisay tuhun ku aadan in ay yihiin Ilmo la iska soo riday.

Sikastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo wabigaan laga helo meydadka, waxaase wehlisa in sideed ay laba kamida yihiin dad qaan-gaar ah meydadkooda laga soo saarey wabiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM

Xiisadda Geeska Afrika oo cirka isku shareertay, Midowga Afrika oo war kasoo saaray

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hababka diblomaasiyadeed.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:00AM