Morocco: Wiilkii ceelka ku dhacay oo geeri looga soo saarey

Image
Waalidiinta Rayan ayaa ku sugnaa goobta, waxaana loo galbiyay fariintan ka hor inta uusan soo bixin.

RABAT, Morocco - Rayaan Awram, oo ah wiil shan jir ah oo indhaha dunida soo jiitay markii uu ku dhacay ceel 100 feet ah, ayaa la sheegay inuu geeriyooday habeenkii Sabtida xilli dad badan ay aad u sugayeen in lasoo badbaadiyo.

Shan jirkan shan maalmood ku qaatay ceelkan ku yaala waqoyga waddankaas ayaa loo maleynayaa inuu dhintay ka hor inta aysan kooxihii samatabbixinayey soo gaarin.

Mas'uuliyiinta Morocco ayaa ku dhawaaqay geerida wax yar ka hor 10-kii habeenimo ee xilliga dalkaaska dib markii shaqaalaha samatabbixinta ay ku guuleysteen inay ka saaraan ceelkii uu ku dhacay shan maalmood ka hor. Hawlgalka aadka u xiisaha badan ee lagu gaaray Rayaan ayaa ahaa mid laga baahiyey caalamka.

Waalidiinta Rayan ayaa ku sugnaa goobta, waxaana loo galbiyay dhamabaalkaas ka hor inta uusan soo bixin. Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in wiilkan lagu duuduubay buste jaale ah ka dib markii uu ka soo baxay godkii uu ku dhacey.

Boqorka Marooko Mohammed VI ayaa u tacsiyeeyay waalidka wiilka oo taleefoon kula hadlay. Bayaan ka soo baxay Boqortooyadda ayaa lagu xaqiijiyay geerida wiilkaan.

Shilalka la xiriira carruurta iyo ceelasha ayaa had iyo jeer si deg-deg ah u soo jiita dareenka daawadayaasha warbaahinta caalamiga ah  isla marka ay soo if-baxaan.

Mid ka mid ah samatabbixinta ugu caansan ayaa ka dhacday magaalada Midland, gobolka Texas Sannadkii 1987-kii markii Jessica oo 18-jir ah laga soo badbaadiyay ceel markii god barbar socda la qoday - si la mid ah la isku dayadda Morocco.

Kiisaska qaar ayaa ku dhamaaday masiibo. 2019, Julen Rosello oo 2 jir ah ayaa ku dhacay ceel gudaha Spain. Dadaallada adag ee samatabbixinta waxaa ka mid ahaa in la qoday godad badan si ay isugu dayaan in ay soo badbaadiyaan wiilka.

Boqolaal khubaro ah ayaa ka qayb qaatay hawlgalka naf-badbaadinta ahaa, oo ay ku jiraan in la raray in ka badan 17,000 oo tan oo dhagxaan ah. Laakiin way ku guuldareystaan waxaana 13 maalmood kadib ay soo heleen meydkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM